October 27, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hay’adaha dowladda ugu baaqay isbeddel iyo in la qaado waddo ka duwan tii lagu socday xilligii KMG ahaa ee laga soo gudbay.

Madaxweynaha oo shalay hadal ka jeediyay kulan casuumad ah oo uu u sameeyay labada gole ee dowladda ayaa ku taliyay in horay loo sii wado tallaabada horumarka iyo wixii la qabtay, isagoo ka digay in dib loogu noqdo dhibaatooyinkii laga soo gudbay.

Wuxuu Xasan Sheekh Xusay in xilligan lagu mashquulsan yahay dhisidda iyo dhamaystirka hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dowladda cusub ee la soo dhisayo ka rajeeyay inay hanato guud ahaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay soo celiso sharafkii iyo sumcaddii dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hay’adihii hore ee shaqayn waayay waa in la badalo si jid cusub loo marsiiyo ayna ku shaqayn karaan isbadal cusub waa lagama maarmaan.

COMMENTS