October 16, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay golihiisa wasiirada.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa loo qeebiyay warbaahinta waxaana ay kala yihiin Magacyada Wasiirada maanta lagu dhawaaqay:

  1. Mudane Cali Maxamed Xasan Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga.
  2. Mudane Maxamed Cabduqaadir Xaashi Wasiirka Wasaarada Waxbarashada.
  3. Mudane Burhaan Warsame Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka bada iyo dhulka.
  4. Mudane Xasan Faarax Wasiirka Wasaarada Dib u heshiisiinta iyo Arimaha Federaalka.
  5. Marwo Faadumo Cabdi Wehliya Wasiirka haweenka iyo arimaha Qoyska.
  6. Mudane Saadaq Daahir Mire Wasiirka Wasaarada Isboortiga Iyo Dhalinyarada.
  7. Mudane C/laahi Axmed Calasoow Wasiirka Wasaarada macdanta Tamarta iyo Biyaha.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Wareegtadan ayaa waxaa ay soo baxday iyadoo uu jiro muran u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ku saabsan gacan ku haynta dekada Hobyo.

COMMENTS