February 16, 2016 | Posted by admin

Muqdisho, 16 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta db ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka kaga soo qeybgaley Shirkii 52-aad ee arrimaha amniga caalamka (Munich Security Conference).

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saaray shirka sannadkan waxaa ka mid ahaa, xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Khudbad uu shirka ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole.

————-DHAMMAAD—————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

COMMENTS