October 14, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha dalka Mauritania Mohamed Ould Abdelaziz ayaa ku dhaawacmay kadib markii ay si qalad ah ay rasaas ugu fureen ciidamo ka tirsan dowlada baabuur uu la socday.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in haatan lagu daweynayo isbitaal milatari oo ku yaal magaalo madaxda dalkiisa Nouakchott.

Wasiirka warfaafinta ee Hamdi Ould Mahjoub ayaa ka sheegay taleefishinka qaranka dalkaas in si qalad ah ay ciidamada milatariga ay rasaas ugu fureen baabuur kolonyo ah oo uu la socday madaxweynaha.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in madaxweyne Abdelaziz oo 55 jir ah uu ka dhaawacmay gacanta isla markaana aysan qatar ku jirin naftiisa.

“Isagoo dib ugu soo laabanaya caasimada Nouakchott ayaa madaxweynaha baabuurtii uu la socday ay rasaas ku fureen ciidamo aan aqoonsan in uu madaxweynaha uu saarnaa,”ayuu yiri Mr Mahjoub.

“Dadka reer Mauritanian waxaan u sheegaynaa in xaalada madaxweynaha ay wanaagsan tahay. Baabuurka uu saarnaa isaga oo aan wax kaalmo ah la siin ayuu ka soo degey markii uu imanayay isbitaalka.”

Ciidamo faro badan ayaa waxaa la geeyey isbitaalka lagu daweynayo madaxweynaha.

COMMENTS