March 24, 2012 | Posted by admin

M/weynaha Mareeg State ayaa waxa lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde International Airport iyadoo halkaasi ay ka galbiyeen Ciidamada AMISOM, Sirdoonka Mareeg State iyo Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Waxaana gudaha madaarka ku soo dhaweeyay xildhibaano iyo masuuliyiinta Mareeg State oo Muqdisho ku sugnaa waxaana haatan M/weynaha Mareeg State hoygiisa Muqdisho uu ka degan yahay Amnigiisa la wareegay Ciidamo isku dhaf ah oo Mareeg State leedahay iyo kuwa dowlada iyadoo xaga amniga wadashaqayn weyn kala dhaxeyso ciidamada AMISOM.

M/weynaha ayaa wada kulamo uu la yeelanayo ururada, madaxda, waxgaradka, ganacsatada iyo ururada haweenka ee ka soo jeeda jaaliyada Mareeg State iyo kuwa Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Gudahiisa.

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA
MUKTAR KATIITOW

COMMENTS
  1. Shiiq saciid said:

    Ascw wa in an gacmaha isqabsanaa hadal haan mabuuxshee

  2. mahdi said:

    asc dhamaan umada islaamka meelkasta ay joogaan waan salaaman tihiin qaasatan meesha mareeg state iga gudooma salaantaas wallaalkay abdirisaq waxa uu ka hadlay waa wax sax ah wxaana ka muuqda wallaalkaas aan soo sheegay qalbi wanaagsan waana u qirsanahay inuu yahay wallaal jecel wallaalihiisa kale , waana in qof walbaa oo naga mid ah fikirka wallaalkaas oo meesha ka qaado , waana mahad santihiin wabilaahi towfiiq .

  3. Abdirisak said:

    ASC /Dhamaan umadda ku aftirsata MAREEG STATE meelkasto oo aad aduunka ka joogtaanba , salaan kadib waxaan halkaan ka salaamayaa walaalaheena ama madaxdeena ee wadankii Hooyo kusugan , waad ku mahadsantihiin Howlaha aad ku jirtaan waxaana idinleeyahay ALAHA idiin fududeeyo , waxaan kaloo halkaan kasalaamayaa dhamaan xaasaskii iyo caruurtii ay ku dhaafeen walaalaheen wadamadii ay ku noolaayeen , walaalayaal maanta waxaan maleeynayaa in howl badan nasugeeyso oo dhankasto leh , waxaan idin weeydiinayaa walaalayaal maxaan u qaban karnaa umadeena baahan iyo dhulkeena ?.
    yaa umaqan umadaas oo aan ku haleeynaa ? yeey sugaayaan umadaas ilaah kasokoow?
    maxaan dhamaanteen maqaarka meelaha uu ka duleelo u raadineeynaa , maxaa noodiiday in maqaarka meesha uu ka duleelo aan katolno .
    soomaalida wexeey tiraahdaa nin lagu seexdow haseexan , xilbaa sidaa ha seexan , miyaanan dhamaanteen xil nasaarneen? walaalayaal in taas iyo ismaqal dambe. hala dadaalo hoo iyo hiilba waa noolaga baahan yahay .

  4. Maahir said:

    mudane madaxwayne hadaan nahay reeraha ka soo jeeda Maamul Goboleedka Mareeg Waxaan ku lee nahay sii 2 Jibaar Dadaalkaaga ku aadan dib u dhiska Maamulka kan