April 5, 2012 | Posted by admin

Madaxweynaha Hey’adda ugu sareysa ciyaaraha ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaano FIFA Sepp Blatter ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Gudoomiyaha Olimbikada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Xiriirka K/cagta Aadan Yabarow Xaaji Wiish iyo Saciid Maxamed Nuur (Mugaambe).

War qoraal ah oo la soo dhigay Page FIFA ayaa murugo iyo uur-ku-taalo looga muujiyay geeridaas ku timid Halyeeyadii Isboortiga Soomaaliya ee sanadihii u dambeeyay ka shaqeynayay horumarka Isboortiga.

“Aad ayaan u naxay marki aan maqlay weerarkaasi maanta dhacay ee ku dhinteen nolosha dad dhowr ah oo uu ku jiray gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Saciid Mohamed Nur iyo Gudoomiyaha Olombikada Somalia Aadan Yabarow Wiish” ayuu yiri Blatter.

“Waan aqaanay labaduba shaqsi ahaan, waxa aan ka sheegi karana waxa waaye in ay ahaayeen dad wanaagsan shaqo fiicanna ka qabtay sidi ay u horumarin lahaayeen isboortiga iyo kubada cakta dalkooda, runtii aad ayaa loo tabi doonaa,” ayuu intaasi sii raaciyey.

Ugu dambeyn Sepp Blatter ayaa uga tacsiyadeeyay dhamaan bahda isboortiga caalamka, bahda isbooriga Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed geeridi ku timid labadaasi mas’uul iyo dadki kale ee Soomaaliyeed ee maanta ku dhintay qaraxi ka dhacay Muqdisho.

Ilaa 7-ruux ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaa ku dhaawacmay sodon kale oo ay ku jiraan wariyeyaal, Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, fanaaniin qeybaha bulshada rayidka iyo saraakiil.

Qaraxaas oo ay fulisay gabar yar ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo ka socotay Munaasabad loogu dabaal degayay maalinta la aas aasay Telefishinka Qaranka, iyadoo mas’uuliyada weerarkaas ay sheegteen Al-Shabaab.

COMMENTS