October 11, 2017 | Posted by admin

Nin Soomaali ah ayaa Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ku xukuntay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu jirdil iyo dil isugu daray dad muhaajiriinta ku sugnaa dalka Libiya.

Ninkan oo lagu magacaabo Osman Mohamud oo 22-jir ah ayaa sanadkii hore lagu qabtay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, kaddib markii la aqoonsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninkan uu garaaci ku waday illaa ay ka dhintaan, halka qaar kalena ay cunto iyo biyo la’aan u dhimanayeen.

Maxkamadda Milan waxay eedeysanaha ku heshay inuu afduub iyo jirdil u geystay Tahriibayaal Somali ah, kuwaasi oo uu ku khasbay inay Eheladooda bixiyaan Lacago madax-furasho ah.

Wakaalladda Wararka Talyaaniha ee ANSA ayaa sheegtay inay Maxkamadu ku heshay Eedeysanaha dilka 4 qof oo uu jir-dil ugu geystay Libya.

Dadka muhaajiriinta ee ka yimaada dalalka saxaraha ka hooseeya ayaa waqtiga ugu badan ku qaata xeryaha ku yaala Libiya, halkaasoo madax furasho ahaan loogu heysto, waxaana eheladooda ka sugaan lacagaha la siiyo dadka wax tahriibiya ee u qaada dalalka Yurub.

COMMENTS