January 11, 2017 | Posted by admin

axmed

Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa Wasiirada waxa uu u magacaabay Wasiirka Socdaalka Axmed Xuseen oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya  kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka Canada.

Axmed Xuseen ayaa sanadkii 1996dii galay dalka Canada isagoo qaxooti kana soo qaxay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya,waxana uu noqonayaa Axmed Xuseen qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka noqday wadamada dunida ugu horumarsan wasiir.

Magacaabista Axmed Xuseen ayaa waxaa si weyn loogaga soo dhoweeeyay dalka Canada oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah. Ra’iisal wasaaraha Canada ayaa sidoo kale waxa uu sidoo kale bedelay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1975 ama 1976 waxana uu yahay qareen Madaxweyne ka ah Xisbiga Soomaali-Canada(Canadian Somali Congress) 19kii Oktoobar 2015 ayaa loo doortay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Canada isagoo laga soo doortay,York South—Weston waxana uu xubin ka noqday xisbiga Liberalka ee dalka Canada.

Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa ku soo barbaaray dalka Soomaaliya waxana uu tegey dalka Canada isagoo ah qaxooti sanadkii 1996dii waxana uu waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhamaystey Hamilton waxana uu shahaadada BA ku qaatay Jaamacada York isagoo bartay Taariiqda,hase yeeshee Axmed ayaa waxbarashadiisii taqasuska ku qaatay Jaamacada Ottawa isagoo barta sharciyada bishii September 2012. Axmed Xuseen ayaa ah aabe dhalay labo carruur waana nin haysta diinta Islaamka.

COMMENTS