October 19, 2016 | Posted by admin

Maxkamad ku taalla Wadanka Talyaaniga ayaa Maanta wax dambi ah ku weysay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo 19-Sano ku Xirnaa Talyaaniga loona haystay Gabar Wariye ah oo Muqdisho lagu Dilay .

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Xaashi lagu waayay Dambigii lagu soo oogay islamarkaana Mudada dheer uu ugu Xirnaa Talyaaniga.

Xaashi Cumar ayaa loo haystay inuu wax ka Ogaa Dilka Gabar Wariye ah oo u dhalatay Dalka Talyaaniga oo Magaalada Muqdisho lagu dilay 20-kii March 1994-tii,waxaana Gabadhaas la oran jiray Ilaria Alpi.

Sidoo kale Xaashi ayaa intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga uu ka dalbaday in la siiyo Magdhaw Maadaama uu Mudo dhan 19 Sano uu u Xirnaa,waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga uu ka sugayo Jawaab mudo ku siman 90 Cisho.

Sidoo kale Xaashi Cumar Xasan ayaa u Mahad celiyay Ummadda Soomaaliyeed ee u dooday intii uu xirnaa iyo Abuukaateyaashii u doodayay inta uu Xabsiga ku jiray.

COMMENTS