November 11, 2012 | Posted by admin
shil gaari

S/Afrika.-Afar qofood oo mid ka mid ah uu Soomaali yahay ayaa la sheegay inuu  ku geeriyootay shil baarbuur oo ka dhacay dalka South Africa.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari yar oo ay wateen Sadex nin oo South African ah iyo wiil Soomaali ah uu dulmaray gaari weyn oo xamuul ah, waxaana halkaasi ku geeriyooday Allaha u naxariistee muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray  Maxamed Goosaar Amiin iyo sadexdii kale ee la socotay oo u dhalay dalka South Africa.

Maanta ayaa lagu wadaa in meydka marxuuka Soomaaliga ah lagu aaso qubuuraha Muslimiinta magaalada Ceptown ee dalka South Africa, waxaana la filayaa in aaska ay ka qeybgalaan qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Marka laga soo tago shilalka gaadiidka ee ka dhaca dalkaasi ayaa Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalkaasi waxaa dhibaatooyin ba’an ku haya kooxo South African ah oo si bareer ah u dila Soomalida ku ganacsatada dalkaasi, isla markaana dhac u geeysta hantodooda iyadoo aysan wax muuqda arrintaasi ka qaban dowlada ka jirta dalkaasi

COMMENTS