April 21, 2014 | Posted by admin

Muungaab shacabka Muqdisho sooma dooran balse waxaa uu ku yimid in Madaxweeynaha uu u soo dortay in uu shacabkaa Muqdisho wakiil uu ugu noqdo dowlada federaalka ee Somalia, Muungaab waa ku meel-gaar ninwalba oo la magacaabana xilkasta uu hayo waa ku meel-gaar,ku meel-gaarna waxaa looga bixi karaa iyada oo uu shacabka helo wadood uu wax ku doorto asaga oo xor ah hogaanka uu rabo,hadaba si loo gaaro shacabka Muqdisho cida aay rabaan in aay hogaan u doortaan waa in laga shaqeeyaa sidii uu ku imaan lahaa hogaan xalaal ah,duubabka dhaqanka,aqoon-yahaynka,siyaasiga,ururada dhalinyarada ,haweenka cidwalba oo degen degaanka jecelna horumarkiisa nabada iyo wadanoolaanshaha waa in aay awood u helaan in aay sameeyn karaan wada tashi iyo turxaanbixin ku wajahan sidii gobolka Banaadir uu u yeelan lahaa hogaan xalaal ah oo shacabka uu soo xushay,waxaan aad ugu xumahay in Muungaab dhaho cid tashan kartaa ma jirto,laba wada hadli karto ma jirto ???
Isbedelka Muungaab ee gudoomiyayaasha degmooyinka G.Banaadir waa mid aan soo dhaweeyneeyno balse waxaa quman in isbedelka uu yahay mid shacabka la yimid oo aay soo doorteen golaha degaanka degmadaa,weli waa la sugayaa hilaalkaa .
Cawaaqib xumida eey leedahaya in shacabka uusan soo xulan hogaanka uu rabaa waa tan maanta dagaalada ka dhacayaan degmooyinka goboladii loo soo magacaabay gudoomiyayaasha,dowlada waxaa aay G.Hiiraab u magacaawaday gudoomiye iyada oo aay ku sheegtay in uu yahay mid ku meelgaar ah ilaa 6 bilood,waxaa la sugaayay in G.Hiiraab laga dhaqangeliyo doorasho xor ah balse waxaa loo soo magacaabay G.Hiiraan gudoomiye cusub oo ku meelgaar ah oo 6 bilood sow dib u dhac umadeed maaha in G.Hiraan lagu madadaaliyo gudoomiye Xamar laga soo magacaabay iyada oo la ogyahay in Xamar ayan u soo magacaabi karin G.Mudug,degmada Balcad waxa hada ka socdaa waa tabtii 1 sanno ayeey xor tahay maxaa loo heli waayay in reer Balcad aay soo sameeystaan gole degaan iyo maamul aay ayaga soo doorteen, Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow weli waa ku meelgaar iskumana haysto in uu ku meelgaar yahay halka laga sugaayay in uu hilaalkiisu noqodo dhismaha golaha degmooyinka gobolka iyo sidii shacabka gobolka u heli lahaa hogaan xalaal ah.
G.Bay ee xarunta koonfur galbeed Somalia waxaad moodaa in weli caburin lagu hayo iyada oo la ogyahay in shacabka goboladaa aay dhisteen dowlada goboleed xalaal ah,dowlad gobobeel aay Somali ku dhan yahay,waa dowlad goboleed laga unki karo midnimada Somalia haddii dowlada federaalka iyo shacabka Somali aay taageeraan xaqiiqdii,waxaad arkeeysaa in r.wasaare C.weli aay soo baxeen waxii uu la aamusnaa,waxaa uu u bareeray in uu ogolaado wax aanan r.wasaare Somali ogolaan laheeyn dib u fiiri r.wasaare Saacid aad ayuu u diiday inhal reer la haado 3 gobol,sidee lagu diiday Madoowe Nuunow loose ogolaaday Axmed Madoobe ???
Madaxwalba oo imaataa waxeey la imaataa waa waxa ka muuqda shaxda siyaasada Somalia,maanta waxaan haynaa in shacabka gobolada Banaadir ,Hiiraan,Sh.Dhexe ilaa G.Galgaduud anaan raali laga aheeyn in aay maamul xalaal ah hogaankiisa soo doodrtaan,sida oo kale Sh.Hoose oo runtii ka mid noqotay gobolada 6 ee koonfur galabeed ilama ah in Xamar looga soo magacaabo nin danbe,Xasan Sheekh Maxmuud waxaa laga dhaxlay in la caburiyo Hawiye halka Daaroodkana aay awood u yeesheen in aay ay xushaan cidii degmada ama gobolka madax ka noqon laheeyed,Digil iyo Mirf waxaan ku faraxsanahay in ayaga aay mareen wado ka duwan tan Hawiye.
Maxaa laga dhaxli doonaa Xassan Sheekh ?? maxaase laga dhaxlay Sheekh Shariif C.qaasim & Cali Mahadi intaba waxeey diidanaayeen in shacabka sameeysto hogaan xalaal ah.
Dr.Ali.A.Hirabe [email protected]

COMMENTS