August 10, 2015 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa beeniyay in kuxigeenadiisa uu khilaaf kala dhaxeeyo, kadib markii uu soo baxay warar sheegaya in Kuxigeenadiisa ay dacwad isaga ka gudbiyeen oo ku aadan wada shaqeyn la’aan iyo in howsha Gobolka uu xafiiskiisa ku soo koobay.

Muungaab oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in isaga iyo kuxigeenadiisa ay yihiin sidii ul iyo diirkeeda ah, isla markaana aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya.

“Aniga iyo ku-xigeenadayda wax khilaaf ah oo inoo dhaxeeya ma jirto, waa kuwa garbaheyga jooga, waxaa nahay ul iyo diirkeeda, nidaam fowda ah oo kala xiran meesha kama jirto ee waxaa nahay nidaam madax iyo majo dhisan, oo xamar ka shaqeeya, cida ka shaqeyneysa fowdana waa la iska qabanaa” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Mr. Muungaab ayaa sheegay in maamulkiisa uu horumar ka sameeyay Caasimada Muqdisho, waxaana uu iska fogeeyay in qoysas laga barakiciyay qeybo ka mid ah magaalada, balse ay jireen dad guryo xoog ku heystay laga saaray.

Mar wax laga weydiiyo inuu musharax yahay sanadka 2016 ayuu warkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad raqiis ah oo Hotelada lagu xanto, isla markaana aysan waxba ka jirin.

“Madaxweyne Somaaliyeed tubaha ma yaal-yaalo, wararkaas in leygu dacaayadeeyo oo hotelada la igu xanto waa ogahay, aniga xil maanta igu filan oo iga culus waa haaya aniga Caasimada Soomaaliya ayaa xukumaa iyada horumarinteeda iyo Soomaali sidee isku soo noqon laheyd ayaa ku mashquulsan, 2016 odayga aniga i magacaabay ayaa ku dhawaaqay inuu musharaxa yahay, aniga doorkeyga wuxuu yahay isaga inaan garab-siiyo ee in aan berri isaga wax la calaajiyo sax ma ahan” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhinac isaga riixay eedeymo loo soo jeediyay maamulkiisa, waxaana uu xusay in mar walba wax qaldami karaan, isla markaana in la is dhaliilo ay ka mid tahay dimoqoraadiyada.

COMMENTS