Gen. Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid) oo kamid ah musharixiinta sheegay in ay doonayaan utartamida qabashada madaxtinimada Galmudug ayaa galinkii danbe ee maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug.
Gen. Qeybdiid ayaa waxaa garoonka diyaardaha kusoo dhaweeyay boqalaal dadweynaa kuwaasi oo ka kala yimid bulshada qeybaheeda kala gadisan iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa booliska Galmudug oo iyagu halkaasi salaan ku siiyay Genaralka.
Cabdi xasan cawaale ayaa mar uu la hadlay bulshadii iyo madaxdii soo dhaweysay waxa uu ku dheeraaday arimo la xariira waxqabadka xiligaan ay u baahan yihiin shacabka Galmudug iyo waxa ugu horeeya oo uu ku dadaalayo wax ka qabashadooda.
Musharax Qeybdiid ayaa shacabkii iyo madaxdii ku sugnayd hoolka shirarka hotelka Empassy oo uu kula hadlayay waxa uu uga digay in ay doortaan Caalin markale haddii ay rabaan in xaalku uu sii ahaado sida ay haatan ku sugan yihiin oo ah kala danbeyn la aan horumar la aan iyo amaan daro lagu dhibaateeyo mar kasta dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Siyaasiyiin badan oo reer Galmudug ah ayaa ku sheegay in Qaybdiid gadaal ay ka riixayaan reer Puntland iyadoo uu madaxweynaha haatan Caalin lagu tuhmayo inuu ku siyaasad yahay M/weyne Shariif Ahmed tasoo ay ku macneyeen intaan doorashad masiirka dalka Soomaaliya la gaarin in reer Puntland ku guulaystaan inay bedelaan hogaanka Galmudug saaxiibkood Qaybdiidna ay meesha keenaan.

All Posts
BBC 0400 GMT












