May 16, 2017 | Posted by admin

Dowladda federal ah ee Soomaaliya iyo Heey’adda Caalamiga ah ee duulimaadka ayaa isku qilaafsan Wareejinta Soomaaliya.

Doorka ay Heey’adda caalamiga ah ee Dulimaadka ay kuledahay Arruurinta lacagta iyo Hagitaanka Hawadda Soomaaliya ayaan waxaba Horumar ah ka sameeyn Taareeradda siinta Dowlada Soomaaliya sidii ay Hawadeeda u Maamulilahyd.

Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya Sanandi 1991 kii, Heey,adda caalamiga ah ee Duulimaadka Hawadda ayaa waxaa ay lashaqeeyneeysay Maamuladii Dalka Isaga Dambeeyay intii ay Dalka Dagaaladda Sokeeye ka socdeen, hase ahaatee Heey’adda Caalamiga h ee Duulimanka wax ahmiyad ah ma aysan siinin sidii ay Maamulka Hawadda Soomaliya u soo celin lahyd.

Sida lagu Xusay warbixin uu Daabacay website Hiiraan Onlie oo soo xiganaya Saraakil ku sugan Nairobi, Heey’adda Caalimiga ah ee Duulimaadka Hawaddu waxaa ay Gabi ahaanba iska indho tirtay Codsiyaga Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, waxaayana Hey,addu diiday in ay kordhiso Awoodda Soomaaliya si ay Doowladdu Hawadeeda ula wareegto, taas badalkeedana waxaay Heey’addu kordhineeysaa Awoodda Xafiisyadeeda Nairobi si ay Hawadda gacanta ugu sii heeyso.

Sadax container oo ay ku jiraan Qalab Miihiin ah oo gaaraya Maalaayiin Doolay oo soo maray Magaaladda Nairobi ayaa si qalad ah waxaa looga soo dajiyay Magaaladda Muqdisho, Dowladda Federalka ah ee Soomaaliyana waa ay diiday in ay wareejiso qalabka sida ay sheegen ilo wareedyo aan la magacaabin oo ay soo xiganeeyso Hiiraan Online.

Qalabka ku jira Sadaxda kunteenar ayaa ah mid ku filan in Gedida Diyaaradaha Muqdisho ay Noqoto meel Awood u leh in laga Maamulo Hawadda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Heey’adda Caalamiga ah ee Duulimaaadka Hawadda ee ICAO loo soo gaabiyo waxaa ay Xiriirka Duuliyeyaasha ee CPDLC loosoo gaabiyo ka codsaday in Container-radda Muqdisho laga Dajiyay loo soo celiyo Mgaaladda Nairobi.

Wasiirka Duulista Hawadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa aad ugu Dadaalaya sidii Soomaaliya ay Hawadeeda ula soo wareegi lahyd.

Muranka Dowladda Soomaliya iyo Heey’adda Caalamiga ah ee Duulimaadka ayaa waxaa uu Si weeyn u quseeyaa Qalabka Cusub ee Hada ayaalla Magaaladda Muqdisho, Dowladda Soomaaliya waxaa ay Wadaa Latashiyo dhinaca Sharciga ah oo ku aadan Sidii Murankaan looga gudbi lahaa.

Dabayaaqadda Sanadkii hore iyo Billoowga Sanadkaan aya waxaa soo baxayay warar sheegaya in doowlado ay kamid yihiin Hindiya iyo shiisalis ay u tartamayaan Hawadda Soomaaliya in ay Maamulaan.

 

COMMENTS