April 26, 2016 | Posted by admin

Qarax iyo rasaas ayaa goor dhowayd laga maqlay magaalada Muqdisho, waxana lagu weeraray guriga xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.
Daabaco
La wadaag
Muqdisho
Muqdisho
26.04.2016 19:56

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday bambo oo lagu qaaday guriga mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa fiidnimada caawa ka dhacay xaafadda Hodan, dadka dhaawacmayna waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ilaalada xildhibaanka.

Wararkan oo aanu goor dhowayd ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaa in qarax bambo gacmeedka kadib ay rasaas rideen ciidamada xidhibaanka.

Xildhibaanka gurigiisa la weeraray oo lagu magacaabo Aadan Ibraahim Dhaayow ayaa la sheegay inuu bad qabo, sida uu VOA u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliiska Hodan Gaashaanle Xuseen Maxamed Cabdi.

Dhaawacyada ayaa loo daad gureeyey cisbitaallada Muqdisho.

Ilaa hadda cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerrada lagu qaado xildhibaannada.

COMMENTS