January 11, 2013 | Posted by admin

Muqdisho- Muqdisho ayaa caawa markii ugu horeysay 20 sano kadib lagu qabtay dajinta calanka Jamhuuriyada Soomaaliya cutubyo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ay horkacayeen ciidamada Baambeyda Muusiga ayaa caawa maqribkii  gaada ka ciyaara kasoo bilaabay dugsiga tababarka booliska Soomaaliyeed ee Jen. Kaahiye  waxaana  ay socod ku mareen laamiga isku xira dugsiga jen. kaahiye iyo Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Cutubyada ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ay gaareen xaraunta maamulka gobolka Banaadir waxa ay goobtaas ka dajiyeen calanka Jamhuuriyada Soomaaliya waxayna  Saaray mar kale isla calanka Soomaaliya oo xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya Isbuuciiba mar la  saari jiray Xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana kasoo qeybgalay Munaasabada calanka lagu saarayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhuna Maye iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir waxaana munaasabada ka hadlay afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Max’ed Yuusuf Cismaan oo sheegay in caawa uu maamulka gobolka Banaadir soo nooleeyey mid ka mid ah astaamihii uu qaranka Soomaaliyeed lahaan jiray isagoona sheegay in arintani ay tahay wax lagu farxo in Caawa Muqdisho 20 sano kadib lagu arko wadooyinka Muqdisho ciidamada dowlada Soomaaliya oo si nabad ah gaada ka ciyaar ugu samaynaya wadooyinka Caasimada  Muqdisho iyadoo uu waqtigu yahay habeen.

Wuxuuna sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed oo waayo joog ah ay ilmeeyeen markay caawa arkeen Ciidamada dowlada Soomaaliya oo  Gaada ka ciyaar kasoo bilaabay dugsiga Kaahiy ee degmada Xamar jajab  ilaa ay ka gaaraan xarunta gobolka oo ku taala degada Xamar Weyne isagoona sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku hawlanyahay soo nooleynta dhamaan astaaimhii dowladnimo.

COMMENTS