February 26, 2015 | Posted by admin

Rag hubeysan oo wejiyada soo duubtay ayaa xalay dab qabadsiiyey Studio heesaha lagu duubo, oo ku yaala xaafada Tokyo ee degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Markii raggaasi dabka qabadsiinayeen Studio-ga waxaa gudaha jiifay ninka iska lahaa oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xirsi, kaasoo dhaawac soo gaaray.

Sida ay sheegayaan dadka xaafadda, niman aan la aqoonsan ayaa saqdii dhexe ee xalay batrool ku shubay Studio-yaha oo ka sameysnaa jiingado, waxayna qabadsiiyeen dab, iyagoo ninkii iska lahaa oo dhex jiifay ku khasbay inuu meeshiisa ku jiro.

Dabka qabsaday Studio-yaha oo saamayn ku yeeshay timo-jare iyo dukaamo ganacsi, ayaa waxaa ku soo baraarugay dadkii dhex jiifay, waxayna bilaabeen inay qayliyaan si loogu gurmado, taasoo keentay in dadkii deegaanka isugu soo baxaan, sidaana ay ku cararaan raggii dadbka qabasdiiyey goobta heesaha lagu duubo.

Ninka iska lahaa Studio Laki oo lagu magacaabo Maxamed Xersi, ayaa laga soo saaray goobta isagoo si xun dabku halakeeyey, waxaana dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Madiina.

Horay waxaa magaalada Muqdisho uga dhacay dilal loo geystay dadka iska lahaa goobo heesaha lagu duubo, hase ahaatee waa arrin cusub in qofka dab lagu qabadsiiyo goobtiisa.

COMMENTS