October 22, 2012 | Posted by admin

Maamulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay iney soo gebagebeeyeen tirakoob lagu sameynayey xaafadaha kala duwan ee degmadaasi iyo tirada dadka ku nool halkaas.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cali ayaa tilmaamay in diiwaan geliyey dhaman xaafadaha kala duwan ee degmada Xamar Jajab, islamarkaana ay guud ahaanba ogyihiin guri walba oo degmada ku yaala inta qof ee ku nool, cidii kusoo korortana ay isasoo diiwaan gelin doonto.

Maamulka degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in qaabka diiwaangelinta loo adeegsaneyey qaab casri oo Computer loo isticmaalayey, iyagoo xusay la diiwaan geliyey islamarkaana nambar loo sameeyey guri walba oo xaafada ku yaala iyo tirada dadka ku nool gurigaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ugu amray maamullada degmooyinka gobolka Banaadir iney diiwaan geliyaan dadka ku nool degmooyinka ay maamulaan, waxaana degamada Xamar Jajab noqoneysaa degmadii ugu horreysay ee ku dhawaaqda iney diiwaan gelisay tirada daka ku nool iyo guryaha ku yaalla.

COMMENTS