November 30, 2012 | Posted by admin

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirk u yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlay arrimaha amaanka, dhaqaalaha iyo soo celinta hantida qaranka.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayey R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana shirkaas markii uu dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Mr. Xirsi ayaa sheegay in la isku raacay in degmooyinka magaalada Muqdisho loo sameeyo ciidamo gaar ah oo heegan ah, kuwaasoo sugi doona degmo kastaba amaankeeda.

“Shirka golaha wasiiradu waxyaabaha aad u muhiimka ahaa waxaa ka mid ahaa nabadgelyada, waxaana ciidan gaar ah loo sameeyey 16-ka degmo, kuwaasoo wata qalabkooda iyo hubkooda, islamarkaana tegi doona degmooyinka, si ay nabadgelyada degdeg wax uga qabtaan, maalin iyo habeenna u joogaan meesha” ayuu yiri warii Ciilooge.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadaas yihiin kuwo cusub oo aan ka mid aheyn booliska, meltareiga iyo nabad sugidda, wuxuuna yiri: “Ciidamadaas waa ciidan ka baxsan ciidamada qalabka sida oo aad taqaanaan, waa xoogag cusub oo la buuray, xaafad walba 100 askari oo diyaarsan oo saanadooda iyo hubkooda wata ayaa la geynayaa, sidaa ula socda”.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in ilaa 60 isbaaro oo yaalla gudaha magaalada Muqdisho la qaaday 57 ka mid ah, 3-da hartana la qaadi doono saacadaha soo socda.

“Waxaa guul u ah shacabka Soomaaliyeed in gudaha magaalada Muqdisho laga qaaday 57 isbaaro oo ilaa sadex ay dhimanyihiin, iyadoo la fulinayo amarkii madaxweynaha, inta kalana la qaadayo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale, kulanka golaha wasiirada ayaa looga hadlay culeys maraakiibta ganacsiga ku heysta dekedda Muqdisho, waxaana ganacsatada loo jeediyey iney soo rartaan gaadiid tayo leh oo cillado dartood aan u xayireyn holwahada dekadda.

COMMENTS