January 29, 2013 | Posted by admin

Muqdisho- Iyadoo xaalada amaan iyo deganaansho ee caasimada dalka ay isa soo tareyso, dhinacyo badan oo nolosha la xiriiranaya ay sameynayeen horumar sanadkii la soo dhaafay, dadweynuhuna ay ku neecawsanayaan dabeyl nabadeed oo laba sano ku sii dhow ayaa dhanka kale waxaa muuqata inay jiraan dad dhibaatada ku noolaa oo ay dani ugu jirto- siday doonto haku timaadee.

Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo oraneysa “Qolo musiibadooda waa kheyrka qolo kale” taasoo sheegeysa in xataa haddii uu dhib dhaco ay jiri karaan aadane ay dani ugu jirto.  Waana sidaas nuxurka sheekadan oo lagu qoray bogga wararka ee Al Jazeera.

Inkastoo maciishada dadweynaha ay tahay mid soo fiicnaaneynsa Muqdisho, qiimaha nabaduna ay dadka u wada aayeen, ayaa haddana Cali Xasan iyo saaxiibkiis Maxamed Jaamac waxay u arkaan isbedelka nabadeed ee magaalada ay heshay mid iyaga ka saartay noloshii fiicneyn ee ay sanado ka hor ku noolaayeen.

Cali Xasan waa nin muruqmaal ah oo 20 sano ku soo shaqeysanayay qodista qabriyada si dadka geeriyooda loogu aaso, sida uu u sheegay Al Jazeera wuxuu shaqada qabri faagista uu bilaabay sanadkii 1991, xilligaasi oo dagaalo sokeeye ay ka bilawdeen dalka.

“Waxaan bilaabay shaqadan qabri faagista sanadkii 1991, xilligaas waxay ahayd shaqada ugu mashquulka badan ee laga qabto Soomaaliya.” ayuu yiri Cali Xasan.

Mudo sanado ah, Cali iyo saaxibkiis Maxamed Jaamac waxay ka mid ahaayeen 14 nin oo qabri-qodista ka shaqeeya oo ka hawlgala Qubuuraha loogu magacdaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku yaalla ka soo horjeedka Fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.  Laakiim beryahan noloshooda ciriiri ayey galeysaa, sida uu leeyahay Cali Xasan.

“Labo sano ka hor waxaan aasi jirey 30 ruux [meyd] maalintii oo qura, laakiin hadda waxaan aasaa hal haddaan nasiib leeyahay, haddii kale waxba ma aasno.” ayuu yiri Cali Xasan oo u waramay wariye ka tirsan Al Jazeera.

Cali wuxuu sheegay in halkii qabri uu ku qodi jiray $30 taasoo ka dhigan in maalinkii uu heli jiray lacag gaareysa $300 doolar waayo dad badan ayaa ku le’an jiray madaafiicda iyo dagaalada ka socday Muqdisho shantii sano ee u dambeysay kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dawlada, AMISOM iyo Al Shabaab.

Cali Xasan iyo saaxiibadiisa ku shaqeysta aasitaanka meydadka waxay aalaaba sugaan marka ay maqlaan qarax, dagaalo iyo rasaas ka dhacaysa magaalada, waxaana laga soo wacaa telefoono ay leeyihiin iyagoo laga soo codsado in qubuuro ay sii diyaariyaan si meydadka loogu aaso.

Maxamed Jaamac, isagu waa 50-sano jir, wuxuu sheegay in qabrigii ugu horreeyay uu qoday sanadkii 1994 xilligaasna uu ka helay lacagdhan $30 doolar balse waayadan uusan shilin ka soo rogin shaqadaan.

Waqtigii hogaamiye kooxeedyada

Maxamed Jaamac iyo saaxiibkiisa Cali Xasan waxay sheegayaan in xitaa shaqadooda ay aad u sii fiineyd xilligii ay jireen hogaamiye kooxeedyada Muqdisho kala goostay, waqtigaasoo dilka dadka Soomaaliyeed uu ka fududaa Yaanyada.

Dadka qaar ayaa la soo afduubi jiray, lana dili jiray, qaarna xoolahooda ama qabiilkooda ayaa loo dili jiray.

“Mararka qaar waxay maleeshiyaadka noo keeni jireen iyagoo nool, markaasay nagu dhihi jireen u diyaariya qabri lagu aaso intay horteena ku dilaan.” sidaasi waxaa yiri Maxamed Jaamac oo sheegay in iska daa shaqadiisa isaga xitaa uu dhowr jeer khatar ku galay waayo qaar ka mid ah saaxiibadiisa qabriyada ka shaqeeya ayaa la dilay ka dib markii ay diideen in ruux nool ay diyaariyaan qabri si loogu aaso marka la dilo.

“Ma jecli inaan qabri u qodo nin nool oo dhinaceyga taagan oo baryaya.” ayuu yiri.

Sidaasoo ay tahay, haddana Maxamed Jaamac iyo saaxiibkiisa Cali Xasan labaduba waxay ku noolaayen nolo dhaqaale leh iyaga iyo reerahoodaba.

Maxamed Jaamac wuxuu sheegay in carruurtiisa ay dhiganayeen dugsi gaar ah oo lacag lagu bixiyo, gurigiisana ay u joogtay gabar adeegto ah oo xaaskiisa kaalmeysa. Wuxuuna ku noolaa guri ka kooban afar qol oo kiro ah.

Saaxiibkiisa Cali Xasan, sidoo kale waxaa uu leeyahay xaas iyo afar carruur ah.

Laakiin labada nin, waxay hadda ka cabanayaan busaarad iyo lacag la’aan, kuma nool guryihii ay deganaayeen oo waxay hadda miciinbideen xeryaha barakacayaasha Muqdisho sababtoo ah shaqadii ay qaban jireen hadda “SUUQ” ma leh waayo dad badan ma soo dhintaan sidii hore, nabadda Muqdishu ka hirgadshay.

“Waxaan leeyahay xaas iyo toddoba carruur ah oo iga raba inaan quudiyo, si ay iyaga u noolaadaan waa in dad soo dhintaan.” ayuu yiri Maxamed Jaamac oo ku cawday in da’diisa darteed uusan garaneyn shaqo uu ku bedeshoqabri faagista.

Kafan iibiyaasha

Xaalad la mid ah mida soo wajahday Maxamed Jaamac iyo saaxiibkiisa Cali Xasan, waxay ku dhacday dadka iibiya Marada Kafanta ee la huwiyo meydka kuwaasoo ku sugan suuqa Xamar Weyne.

Maxamed Cabdi Khadar oo ka mid ah ganacsatada Kafanta iibisa ayaa sheegay in labo sano ka hor uu iibin jiray illaa 49-mitir oo Kafan ah maalintii, balse hadda wuxuu iibiyaa labo mitir oo qura.

Laakiin Maxamed wuxuu gartay inuu ganacsigii iibinta Kafanta u bedesho iibinta dharka lagu goglo miisaska baararka iyo maqaayadaha waaweyn ee hadda laga furayo caasimada.

“Muqdisho haddaad joogto haddii aadan la qabsanin xaaladaha isbedelaya waad dhimaneysaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Khadar.

COMMENTS