February 17, 2017 | Posted by admin

Munaasabad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ayna ka qeybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan ayaa lagu qabtay magaalada Khartum.

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay diplomaasiyiinta safaaradda, Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Sudan, Midowga ururka ardayda Soomaaliyeed, ganacsato iyo waxgarad kala duwan..

Dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo, iyagoo tilmaamay in waa cusub uu u baryay Soomaaliya, waxeyne ku tilmaameed madaxweyne Farmaajo in uu yahay hoggaamiye waddani ah oo leh karti waxqabad oo ka hufan eex iyo nin jecleysi.

Xoghayaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan Cabdi-wali Xasan Xuseen “Fadiilatuh” oo ka hadlay goobta ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay la shaqeynaa dowladda madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale u qeeybsanaha warfaafinta safaaradda Soomaalida ee dalka Sudaan Fiidoow Maxamuud Fidow oo halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay in madaxweenaha uu mudanyahay in loo duceeyo si xilkiisa uu si nabad ah ugu guto.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay salaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudaan, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii midnimada isagoo ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iney si hagar la’aan ah ula shaqeey2016317635938105329909805Mudane_Farmaajo_Somalia_Doorasho_Nairobi_660aan dowladda ku timid rabitaankooda ee uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo.

COMMENTS