December 20, 2013 | Posted by admin

Kulan aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday odoyaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Culumaaudiinka, Dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Absuge Qombor oo ka mid ah beesha weceysle ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay sidii ay beeshaasi u yeelan laheyd madax dhaqameed cusub kadib markii ay xilka ka qaadeen hogaamiye dhaqameedkii hore ee beesha Absuge.

Munaasabadii lagu dooranayay hogaamiye dhaqameedka cusub ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xubno kamid ah beesha kulanka yeelatay, kuwaasi oo ku eedeeyay hogaamiye dhaqameedkii hore ee beesha absuge qodobo ay kamid ahaayeen Ku tagri falida awoodi dhaqan ee loo idmaday, Xil gudasho la’aan , kala geynta beesha absuge iyo u adeegida shaqsiyaas dano gaar ah leh.

Kadib eedahaasi ayaa xubnihii madasha ka hadlay waxa ay halkaasi ka cadeeyeen iney beesha absuge qombor ay xilkii hogaamiye dhaqameed ka qaaday nabadoonkii hore ee beeshaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Shido, iyagoo isla goobtaas ka cadaayey iney ku doorteen Nabadoon Daahir Maxamed Cali Casir.


Qaar kamid ah odayaashan ayaa sheegay in ay hogamiye dhaqameedka cusub ay ku doorteen qodobo ay kamid yihiin in uu yahay Qof aqoon leh, waxgaradna ah, isla markaasina isku xiri kara beesha xubnahooda joogo dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyadoo uu xog ogaal u ah xaaladaha beesha.

Ugu dambeyntii ayaa waxa ay kula dar daarmeen Nabadoon Daahir Maxamed Cali Casir inuu Dantiisa gaarka ah ka hormariyo danta guud ee beesha, islamarkaasina uu dhexda u xirto sidii uu u soo celin lahaa sharaftii iyo midnimadi beesha.

Hogaamiye dhaqameedka Cusub oo ay doorteen beesha Absuge Qombor, Nabadoon Daahir oo Madasha ka hadlay gaba gabadii ayaa sheegay inuu xilka culus ee lasaaray uu u gudan doono si hufan, wuxuuna balan qaaday inuu si daacad ah uga soo dhalaali doono xilka lagu aaminay, isagoo ka codsaday odayaasha dhaqanka iney kacan ku siiyaan gudashada waajibka la saaray.

Madax dhaqameedka Cusub ee beesha Absuge dooratay ayaa ah nin caaqil ah, aqoonyahan ah, kana mid ahaa soomaalida qurbaha ku nooleyd mudadi 20 sano ee dagaalada sokeeye lagu jiray , waxa uuna xog ogaal u yahay xaaladaha ka jirta dalka gudihiisa iyo dibadiisa

Waa kuwan qaar kamid ah Nabadoonadii iyo waxgaradkii doortay Nabadoon Daahir Maxamed Cali Casir:.

1. Xaaji Maxamed Socdaal

2. Maxamed C/llahi Raage

3. Macalin Daa’uud Cumar Maxamuud

4. Maxamuud Xusen Hilowle (Dhuxulow)

5. Iimaan Maxamud Fiidow

6. C/llahi Salaad Yusuf

7. Mowliid Cali Axmed

8. Maxamuud Xasan Cali

9. Axmed Maxamed Xusen

10. Maxamed Muxudiin Maxamuud

11. Ibrahim Yusuf Cali

12. Maxamed Ciid Ciise

13. Xuseen Jimcaale Nuur

14. Saciid Cumar Caseyr

15. Maxamed Cumar Jimcaale

16. Saciid Iimaan Afrax

17. Axmed Xasan Afrax

18. Caraaye C/lle Gadiid

19. Maxamed Xuseen Xasan

20. C/ Muuse Cali Casir

21. Abuukar Muxudiin Siyaad

22. C/laahi Cumar Xalane

23. Cumar Socdaal Cilmi

24. C/llahi Axmed Maxamuud

25. Cabdi Cumar Hilowle

26. Muxumud Ibrahim Cosobow

27. Cumar C/lle Cali

28. Cabdi Cismaan Ceeldheer

29. Aadan Cabdi Cadow

30. C/risaaq Maxamed Waasuge

31. Siciiid Yusuf Maxamuud

32. Maxamed Axmed Calasow

33. Ismaaciil Ibrahim Hilowle

34. Cabdi Maxamed Xasan

35. Maxmuud Cumar Casir

36. C/xakiin Muxudiin Sh. Axmed

37. Cabdullahi Caraaye Cumar

COMMENTS