Siyaasiga Maxamed Dheere oo horay u maamuli jiray Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa soo dhoweeyay la wareegitaankii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Balcad 26-kii bishii hore ee June, isagoo ku baaqay in la dar dar geliyo howl galada ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe.
Isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa waxaa uu sheegay inuu taageersan yahay howl galka uu ugu yeeray xurnimada Soomaaliya.
“Guud ahaan dalka Soomaaliyed inay xurnimada qaranka soo gaartay ayaa ugu hambalyeenayaan, dadka Balcad soo dhowaada leenahay dhibaatadii ku sugneydeen waa ognahay, in la idinka dul qaaday, walaalahiina kale ee 8-da degmo ee Shabellaha Dhexe ku nool inay xurnimadaas gaarto ayaa rajeynayaa” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay hora u dhaqaaqaan, isla markaana ay soo xiraan xuduudaha, isagoo xusay in weerarada jid galka ah ee ay sameeyaan dagaalyahanada Shabaab aanu wax macno ah laheyn.
“Ciidamada waxaan leeyahay horay u dhaqaaqa, xuduudaha jamhuuriyada soo xira, waxaa muhiim ah in nimankaas laga soo xiro xuduudaha dhan, waa maqlay meelo yar yar ee jidadka ka galayaan, waliba caruurtii ay marin habaabiyaan oo meel ay aadaan weysan, kuwaasna waa iska soo dhamaanayaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Dadkii Tuugada ahaa ee Carabta nooga yimid ma noolaan karaan waa ognahay, gabdhaha ariga raaca ayaa soo sheegaya meel kasta ay galaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Mar uu ka hadlay ansixinta Odayaasha dhaqanka ee Dastuurka ayuu sheegay in aanay Odayaashu meel marin dastuur dalka iyo dadka dhibaato u keenaya haduu yahay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya inay deegaanada Shabellooyinka inay isku fidiyaan, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen labada degmo ee deriska la ahaa Muqdisho ee Balcad iyo Afgooye oo ay la wareegeen Ciidamada DFK iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya.

All Posts
BBC 0400 GMT








