July 8, 2014 | Posted by admin

Cadale-Shabeele Dhexe: Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wararka laga Helayo Gobolka Sh Dhexe Degaanka Cadale ayaa waxaa ay sheegayaan in Degaankaas lagu arkay Arin Mucjiso oo ay la amakaageen Bulshada ku dhaqan Degaankaas.

Maamulka AL Shabaab Ee Degaanka cadale ka arimiya ayaa lagu soo waramayaa in Gabar ka mid ah Dadka Degaanka ay ku xukumeen Dil dhagax lagu dilayo Markii ay dhashay Ilmo Ninkii aabaha u ahaa sida ay sheegtay uu ku Inkiray Maxkamada al shabaab ayaana qaadatay Go,aan ah in Gabadhaas ay Dambi ku dhacday Dhagaxna lagu dilayo marka ay dhasho waxaana xukunkaasi dhacay iyadoo Caloosha ku sida Ilmaha.

Galinkii Dambe Ee Shalay ayaa Al shabaab waxaa ay Dadka Degaanka iskugu yeereen fagaare weyn oo ku yaala Degaankaas si loo fuliyo xukunkii Maxkamada oo gabdha lagu riday Iyadoo dhagax lagu dilayo waxaana Ninka ay sheegtay in uu ka dhalay Ilmaha ayisku qabeen qaab qarsoodi ah sida ay ka cadeysay Maxkamada Horteeda.

Hadaba Maxaa dhacay Markii Fagaaraha la iskugu Yimid .

Gabadhii Markii loo diyaar garoobay in Xukunkii lagu fuliyo ayaa mar qura waxaa dhacay Fal ay la argagxeen inta badan dadkii Gobbta iskugu yimid kaas oo ahaa in ay hadashay gabadha yar ee ay dhashay gabadha xukunka lagu fulinayo taas oo aduunka joogta mudo ka yra 7 Maalin iyadoo ku hadashay hadal Fasiix ah oo dadka oo dhan ay fahmayeen.

“aniga Hooyadey Xaaraan iguma dhalin Aabahey waa Hebel waxaa Hooyadey iyo aabaheyga isku Nikaaxiyay Sheikh Hebel waxaa marqaatiyaal ka ahaa Hebel iyo hebel Hooyadey wax dambi ah malahan “ayay ku hadaaqday Gabadhaas yar Ee 7 maalin ka yar aduunka joogta .Subxaana laaah

Gabadhii yareed Hooyadeed ayaa lagu wareejiyay waxaana Dad weynihii isu soo baxay ay ku kala dareereen Goobta iyagoo ka amkaagsan sida arintu u dhacday qaar ka mid ah Ehelka Gabdha oo aanu la hadalnay ayaa waxaa ay sheegayaan in ilmaha yarka ah uu mudo saacado ah ku cel celinayay Hadalkaas Kooban Ee ilaahay ka soo yeersiiyay waxaana Al Shabaab kii Goobta ku sugnaa ay durba soo xireen Ninka isagu inkiray Ilmihiisa Ee Canigaas yari ku marqaati furay.

Waa Mucjiso Ilaahay Umadiisa ku tusinayo awoodiisa waana dhacdooyinka Dhif iyo Naadirka ah Ee Aduunka ka dhacay mid ka mid ah Al shabaab ayaana dhowr mar sidaan kale Rag iyo dumarba xukun Dil ah ugu fuliyay iyagoo u cuskanaya inay Gogol dhaaf sameeyeen ama ay si sharci daro ah isugu galmoodeen Arintaana ayaana ah mid lagu tusaaleynayo Arintaas

COMMENTS