May 7, 2016 | Posted by daacad yare

dhadhaab

Hey’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha waxaa ay sikulul ucambaareysay qorshaha dowladda Kenya ay kudooneyso in ay ku xirto xerayaha qaxootiga dalkaasi ee dhadhaab iyo kaakuma.

Dowladda Kenya war ay soosaartay ayey kusheegtay in ay xireyso xeryaha dhadhaab iyo kaakuma ee dalka Kenya kuyaala sababo laxiriira dhanka amaanka.

Hey’adda dhaqaatiirka aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa kadigtay cawaaqib xumada kadhalankarta hadii si qasab ah dalkooda loogu celiyo kumanaanka qor ee gaajada iyo amni darada ugasoo cararay dalkooda.

Dhadhaab oo ah xerada qaxooyiga ee caalamka ugu weyn oo kutaalo waqooyiga Kenya ayaa fogaan 100 KM ujirta magaalada gaarisa ee kutaala xadka soomaaliya.

Dawladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay qayb ka qaadato culayska qaxootiga uga iman kara xiritaanka xeryahaasi.

War saxaafadeedka ayaa Kenya waxay ay ku sheegtay inay qaadday tallaabadii ugu horraysay ee ay ku xirayso xeryaha qaxootiga iyada oo kala dirtay Hay’addii Amuuraha Qaxootiga ee waddankaasi DRA taasi oo ay sheegtay inay gogolxaar u tahay xirista xeryahaasi.

Ugu danbeytii Kenya waxay sheegtay inay go’aan ku gaadhay inay soo afjarto marti-gelintii ay u samaynaysay dadka ku nool xeryaha qaxootiga.

COMMENTS