September 4, 2010 | Posted by Duhur

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa mar kale bilaabay olole ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ka dib markii doraad kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya xildhibaanadan oo gaarayey boqolaal ay dalbadeen in Xukuumadda Cumar C/rashiid Baarlamaanka hortimaado.

Sidoo kale waxay ka soo horjeesteen Guddiga madax banaan ee Dastuurka, kaas oo dhawaan soo diyaariyey qoraal qabyo ah oo Dastuur u sameynta dalka ah, waxayna xildhibaanadani oo tiradooda lagu sheegay 170-xildhibaan ay doonayaan inay mooshinka ay ku ridayaan Xukuumada mar kale hor dhigaan Gudoonka Baarlamaanka, waxaana guuxa mooshinkaasi uu hareeyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cumar Islow ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado qorshayaal dahsoon oo ay ku dooneyso in awood aanay Axdiga qabin la soo baxdo, isagoo si kulul u weeraray qoraal Ra’iisul Wasaaraha uu u qoray UNDP iyo Hay’ado kale, kaas oo muujinaya in xilliga kala guurka ay kala diraan Hay’addaha Dowladda.

Dhinaca kale xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka digay in la rido Xukuumadda xilligan, waxayna sheegeen in taasi ay horseedi doonto bubur ku yimaada guud ahaan dowladda KMG.

COMMENTS