December 3, 2012 | Posted by admin
Muqdisho- iyadoo afar cisho ka hor ay Muqdisho taalay ugu yaraan 60 isbaaro oo lacagaha sida baadda ah looga qaado gaadiidka dadweynaha ayaa maanta waxaa cagta la mariyay oo la qaaday isbaaradii ugu dambeysay.
Isbaarada Ex-Kontrol Afgooye oo aheyd isbaaradii ugu weyn Muqdisho ku taalay mudo ku suman 15 sano ayaa maanta gabi ahaanba la qaaday iyadoona maalmo ka hor ay aheyd markii la qaaday 59 isbaaro oo isla Muqdisho ah.
Dadweynaha reer Muqdisho iyo kuwa gaadiidlayda ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay qaadida isbaarooyinka sidii daadkii loo dhigtay, waxaana ay amaan balaaran usoo jeediyeen Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dambeeyay in isbaarooyinkaasi la qaado.
Inta aanan la qaadin isbaarooyinkaan tira badan ayaa waxaa jirtay qeylo dhaan maalinkasta ka soo yeereysay gaadiidlayda iyo dadka rakaab ah ee saaran maadaam gaadiidka laga qaadayo lacag xad dhaaf ah iasagiina uu dul saar ka sii qaadayo dadka rakaabka ah .
Si kasbtaba ha ahaatee dowlada cusub ayaa qaaday talaabo ay dadka shacabka ah si aad ah ugu farxayaan maadaama go’aamada isdaba jooga ah uu soo saarayo ay yihiin kuwa shacabka Soomaaliyeed anfacaya.
COMMENTS