February 20, 2017 | Posted by admin

Eng. Axmed Abubakar, milkiilihii Universal TV ayaa ciidanka nabadgelyada ee Soomaaliland qabtay, kadibna xabsiga ayaa la dhigay, sababaha illaa hadda kadambeeya xarigga Eng. Axmed Abubakar; waxa kamid ah xiriirka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Telefeshinka Universal oo aan wanaagsanayn iyo barnaamij kabaxa Universal TV oo loo tirinayo in uu kamid yahay sababaha loo xiray Eng. Axmed Abubakar.

Barnaamij layiraahdo Faaliyah Qaranka ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay eedaha loo haysto milkiilaha Universal TV.

Ilo wareed ku sugan Hargeysa ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in aan maamulka Somaliland sheegin wax sabab ah, balse Eng. Axmed Abubakar; ayaa qorsheynayey sida na soo gaartay in uu Isniinta u dhoofo Muqdisho.

Dhawaan ayay aheed markii Majaajileeste ajakis lagu xiray Hargaysa kaas oo ka Tirsanaa Shaqaalaha TV.ga Universal xaruntiisa Muqdisho.
Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS