December 25, 2012 | Posted by admin

Howl galo shalay ciidamada nabadsugida iyo kuwa Milateriga ka sameeyeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ayaa waxay ku soo qabteen agabyo isugu jira Bam, waxyaabaha qarxa iyo nuucyada loo adeegsado.

Sarkaal ka tirsan maamulka Shabellaha Dhexe ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada ay heleen xog ku saabsan guriga ay ku jireen waxyaabaha qarxa, dabadeedna ay soo heleen.

Agabyadan ayaa ka koobnaa ilaa 10-neeyo jirigaanada ama caagagta waa weyn oo ay ku jireen waxyaabaha qarxa, gasacyo iyo taleefanada gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka oo dhowr xabo ahaa iyo nuucyada sameynta qaraxyada oo isugu jira fiyuusyo.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in maanta ay u soo bandhigayaan agabkaas saxaafada, iyadoo la sheegay in hal ruux oo guriga joogay loo qabtay.

Howl galkan ayaa ahaa kii u horeeyay ee waxyaabaha qarxa lagu soo qabto tan iyo markii 9-kii bishan December ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

COMMENTS