October 21, 2012 | Posted by admin

Qarax miino ayaa maanta lagula eegtay ciidamada Itoobiya ee jooga beledweyne, qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday 2 ka tirsan Ciidamada Itoobiya, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa Miinada ayaa yimid kadib markii Ciidamada oo ku guda jiray miino baaris ay sameynayeen mid ka mid ah miinada ay ku qaraxday, kadibna rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah.

Sida aan wararka ku helayno 6 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo wararka kala duwan ka soo baxayaan qaraxaas aya sheegaya in markii ciidamada Itoobiya qaraxa dhacay ay rasaas ooda kaga qaadeen dadkii shacabka ahaa.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Inji ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen magaalada miinoyin farabadan, balse ay ka saareen qaar, kuwakalena ay fashiliyeen sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxyada miino ayaa ahaa mid ku soo badanayay magaalada tan iyo markii Ciidamada Itoobiya ay qabsadeen magaalada dhamaadkii sanadkii hore. Walina
Miino baaris fiican laguma sameyn guud ahaan gobolka.

COMMENTS