May 28, 2017 | Posted by admin

48.4 Milyan Oo Euro Waa Lacagta Midowga Yurub Ku Bixin Doonaan Horumarinta Dhaqalaha iyo Dowlad Wanaagga Soomaaliya.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo hadlayey kadib kulan ay heshiis ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa sheegay in reer Yurub ay mashariicdan hirgelinayso Soomaaliya, Mashaariicdan oo ku saabsan horumarinta dhaqalaha, dowladda wanaagga iyo kaalmeenta farsamooyin ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 48.4 milyan oo euro.

Wasaiirka Qorsheynta waxaa uu intaa ku daray in dhaqaalihii Midowga Yurub ay ku bixin jirtay mashaariicda horumarinta dalka, haatan ay maamuleyso Wasaaradda.

Heshiiskan waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub , waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya .

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

 

COMMENTS