February 27, 2015 | Posted by admin

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa markii ugu horreysay qiray in midowga Yurb ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Michele Cervone d’Urso oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da Laanta Afka-Soomaaliga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay Soomaaliya u joogaan in ay tababaraan isla markaana talo siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sanadka 2016-ka.

COMMENTS