February 6, 2013 | Posted by admin

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaarada adeega bulshada ee xukuumada soomaliya oo ka dhacay xerada xalane ee magaalada muqdsisho ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey mashaariic waxbarasho oo dhawaan lafilayo in midowga yurub uu ka fuliyo soomaaliya waxaana kasoo qeyb galay xubno ka kala socday midowga yurub daladaha waxbarashada soomaaliya iyo qaar kamid ah golaha wasiirada xukumada soomaliya.

Mashaariicda oo gabi ahanba quseeya dhinaca waxbarashada soomaliya oo loo kala qaaday labo qeybood oo lagu kala magacaabo cilmi doon iyo cilmi wadaag ayaa intii uu kulanka soconayey waxa lagu qeexay in mid kamid ah laga fulin doono gobolka banaadir iyo deegaanada galmudug halka midka kale ee soo harayna uu saameyn doono guud ahaan soomaliya.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa shir jaraaid oo ay si wada jir ah u qabteen miss isbel oo ku hadleysay afka midowga yurub iyo wasiirada adeega bulshada ee xukuumada soomaaliya drs maryan qaasim waxaa ay wasiiradu ku sheegtay waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankii maanta iyo ahmiyada soomaaliya ay u leeyihiin mashaariicdani ay fulinayaan midowga yurub.

Wasiirada ayaa sheegtay in mashaariicdani soomaliya baahi weyn ay u qabtay.

Haweeney ku hadleysay afka midowga yurub oo lagu magacaabo miss isbel ayaa iyana halkaasi ka sheegtay in soomaaliya ay u yimaadeen sidii ay uga jawaabi lahayeen baahida waxbarasho ee bulshada soomaliyeed iyada oo intaasi ku dartay in ay tix galin doonaan codsi waliba oo kaga yimaada dhinaca wasaarada adeega bulshada ee xukuumada soomliya

Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyey bur burkii dowladii dhexe ee soomaaliya aan yeelan manhaj waxbarasho oo mideysan waxaana ka howlgalayey dalado si iskood ah u maamulanyey waxbarasha, iyadoo aysan jirin wasaarad waxbarasho oo isku xilsaartay sidii ay isugu aruurin laheyd daladahaas

COMMENTS