December 20, 2014 | Posted by admin

Wadamada Midowga Yurub ayaa ugu deeqay dalka Soomaaliya 13.4 Milyan oo doolar si looga caawiyo dib usoo celinta dhaqaalaha dadweynaha Soomaaliyeed oo ku nool dalka ku yaala bariga qaarada Africa.

War qoraal ah oo kasoo xafiiska midowga Yurub ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in in dhaqaalahaasi la doonayo in lagu horumariyo dadaalada noloshada dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxda wafdiga midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, ayaa sheegay in soo celinta kobaca shaqaalaha Soomaaliya ay la micno tahay helida nabad waarta oo laga gaaro dalka Soomaaliya.

“Tani waa mudnaanta Midowga Yurub. oo ay maamulaan Bangiga Adduunka, waa furaha in ay horumar laga sameeyaa hadafkaan, waxaana dhaqaalahaasi ay qeyb ka geysan doonaan horumarka nabada Soomaaliya”ayuu yiri d’Urso.

“Hadda waa waqtigii hor usocodka, midowga Yurub waxay u taagan yihiin inuu maal gelin ku sameeyo qorshooyinka dowlada iyo horumarinta Soomaaliya”ayaa qoraalka lagu yiri.

Midowga Yurub, ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii wadida taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana qoraalka lagu sheegay inay muuqato taageerada midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa kamid ah ilaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka caawiyo dhanka dhaqaalaha, horumarinta deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada iyoo hawenka, sida qoraalka lagu sheegay.

COMMENTS