August 16, 2017 | Posted by admin

Midowga Yurub ayaa maanta wareejiyay lacag ay ugu talo galeen mushaaraadka Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliska Soomaaliyeed.

Shir Jaraa’id oo ay maanta Muqdisho wadajir ugu qabteen Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya,Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayey kaga hadleen lacagta Midowga Yurub uu ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya.

Veronique Lorenzo, oo ah Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisai $2Milyan oo doollarka Mareykanka ah,taas oo loogu talagalay in lagu bixiyo Mushaaraadka Ciidamada Booliska ah ee Soomaaliya. “Aad ayey sharaf iigu tahay in aan halkan la joogo Wasiirka Qorsheynta iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya,Waxaan wareejinnay Labo Milyan oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana ugu talagalnay mushaarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo gaaraya 7 kun oo Gabdho iyo wiilal ah, Waxaan rajeynayaa ka midowga Yurub ahaan in Barnaamijkan aan sii ballaarinno,waad mahadsantihiin ”, ayey tiri Veronique Lorenzo.

.Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo uu garab taagan yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya C/Xakiin Daahir Siciid Saacid,ayaa  sheegay in Midowga Yurub ay waligoodba bixin jireen mushaaraadka Ciidamada Booliska Soomaaliya haddana ay ka sugayaan in la sii horumariyo fududeynta xirfadda Ciidamada iyo joogteynta mushaarka Ciidamada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa bixiya Mushaaraadka Ciidamada Booliska ah ee Soomaaliya waxaana inta badan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya gaar ahaan mushaar bixinta ay u maraan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP.

COMMENTS