January 11, 2013 | Posted by admin

Midowga Yurub ayaa dhaqaalo ugu deeqay dalal ay ku jirto dowlada Soomaaliya,sida ay ku dhawaaqeen masuuliyiin ka tirsan midowga Yurub oo sheegay in deeqdaasi qeyb ka tahay qorshaha gargaarka ee sanadkaan 2013.
Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalahaasi loogu talo galay in wax looga qabto arimaha bini’aadanimada,waxaana deeqdaasi la gaarsiin doonaa 80 wadan oo gobolka ku yaala.madfax

Midowga Yurub ayaa sheegay in wax ka qabashada arimaha bini’aadanimada iminka ugu weyn laga sameyn doono dalalka ku yaala gobolka Saxil ee galbeedka qaarada Africa.

Kristalina Georgieva,wakiilka midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga arimaha bini’aadanimada ayaa sheegay dalalka Mali,Sudan iyo koofurta Congo,Pakistan iyo Soomaaliya loogu deeqay dhaqaalo badan oo wax looga qabanayo arimaha aadanaha.

Wuxuu sheegay in dalka Mali loogu talo galau 82 Million oo “Yuuro”,Labada Sudan 80 Million Yuuro,dalka Congo,54 Million Yuuro,Pakistan 42,Million Yuuro iyo Dalka Soomaaliya oo loogu talo galay 40 Million Yuuro.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siin doonaan dowlada Soomaaliya iyo dowladaha kale si wax looga qabto xaalada ka taagan dalalkooda.

Kristalina Georgieva,ayaa sheegay in dhaqaalahaasi badankood lagu gargaari doono boqolaal milyan oo ruux kuwaasi oo uu sheegay inay heysato xaalad nolol xumo.

Waa deeqdii ugu horeysay oo midowga Yurub oo ugu deeqay Soomaaliya tan iyo sanadkaan cusub ee 2013

COMMENTS