DUHUR-Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay Sunta Haraadiga Warashadaha ee mararka qaar lagu soo daadiyo Xeebaha Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay Sunta Haraadiga Warshadaha ay kusoo daadiyaan Xeebaha dalka Soomaaliya taasi oo saameyn ku yeellan karta nolosha waxyaabo badan.
Rowlings ayaa waxa uu sheegay in Haraadiga Sunta ay tahay mid qatar ah oo dili karta unugyada jirka bini’aadanka iyo sidoo kale difaaca jirka, waxaana uu tibaaxay in suuro gal aysan aheyn in Suntaasi lagu daadiyo goob ay ku nool yihiin dad bini’aadan ah islamarkaana taasi ay tahay dambi, loona baahan yahay in lagu sameeyo baaritaanno dheeri ah.
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in la qabto kullamo looga hadlayo sidii Sunta looga Nadiifin lahaa Xeebaha dalka Soomaaliya, loona bad baadin lahaa nolosha Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Rowlings aya waxa uu ka codsaday Qaramada Midoobay, Maraykanka, Ingiriiska, Ururka Midowga Yurub, Dalalka Caalamka iyo Hay’adaha kala ee ku shuqul leh la dagaalanka dhibaatoyinka inay ka qeyb qaataan islamarkaana ay ku bixiyaan maaliyad baaritaanno lagu sameeyo suntan lagu daadiyo Xeebaha Soomaaliya iyo sidii guud ahaanmba looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaasi.
Xeebaha Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa kusoo caariya Haamo waa wayn oo aan la ogeyn cidda soo dhigtay Badda kuwaasi oo laga cabsi qabo inay ku jiraan walxo Kiimiko ah.

All Posts
BBC 0400 GMT








