June 15, 2017 | Posted by admin

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa ka hadlay weerarkii ay ururka Al-shabaab ku qaadeen maqaayada Pizza House oo ku taalla degmada Hodan.

Ambassador Francisco Madeira ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeryooday weerarkaasi, isaga oo dhanka kale kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Ambassador Francisco Madeira ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay Qaraxyo Ismiidaamin ah la beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ee aanan waxba galbsan.

“Al-shabaab waa cadowga shacabka Soomaaliyeed, mar walba waxa ay beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, sida weerarkii xalay oo kale ujeedo ma uusan laheyn, Ciidanka ammaanka waxaan ku amaanayaa qaabka ay uga jawaabeen weerarkaasi, AMISOM mar walba waxay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda”. Ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ka soo horjeeda Maqaaxida kale ee lagu magacaabo Posh Treats ayaa waxaa ku geeryooday 18 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 19 kale, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dwoaladda Federaalka.

COMMENTS