December 8, 2016 | Posted by admin

War kasoo baxay ururka Midawga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay inay cambaareynayaan wariyaal jir dil iyo xarig cabsi galin ah loogu geystay Soomaaliya gaar ahaan degaanadda Puntland.

Warkaan waxaa lagu sheegay in ergada Midawga Yurub ay ka war heleen warar sheegaya in wariye Soomaaliyeed la jir dilay lana xiray si loo cabsi galiyay su’aalo adagna laga waydiiyay mashruux wado dhisid ah oo Midawga Yurub ka wado degaanadda Puntland.

“Midawga Yurub aad buu u cambaareynayaa xad gudubka wariyaha lagula kacay haddii dhacdadaan cadaatana ma helayso wax cudur daar ah” ayaa lagu yiri warkaan midawga Yurub kasoo baxay.

Sidoo kale war saxaafadeedkaan oo aan lagu sheegin magac wariye iyo hay’ad warbaahineed midna waxaa lagu sheegay in ururku uu aad uga walaacsanyahay si guud dhacdooyinka noocaan oo kale.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS