July 8, 2014 | Posted by admin

Allaha u naxariistee waxaa Habeenimadii xalay Ku geeriyooday magaaladda Muqdisho, Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo Taariikh dheer ku lahaa Sports-ka Soomaaliya laga soo bilaabo Xiligii Dowlada Siyaad Baree.

Geerida Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) ayaa waxa ay imaaneysaa isagoo mudooyinkaani ku xanuunsanaa Isbitaalada Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxa uu Habeennimadii xalay u geeriyooday Xanuunkii haayay.

Shangole ayaa ahaa Captain-kii ugu horeeyay ee uu yeesho xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in dhicitaankii Dowlada Siyaad Barre kadib soo saaray dhalinyaro badan oo iyagu jeclaa soo saarida Sumcada Somalia dhanka Sports-ka.

Dhanka kale, Wasaarada Sports-ka DFS ayaa Saakay wado qorsho ay ku muujineyso kaalinta kaga aadan Aaska Khabiirkaasi geeriyooday, waxaana la filayaa in islamaantaba la Aaso Meydka Marxuumka.

COMMENTS