June 27, 2015 | Posted by admin

Mid kamid ah labo maxbuus oo ka baxsatay xabsi weyn oo ku yaal magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa la diley kadib markii la baadigoobayay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Sida ay baahisay warbaahinta Maraykanka Booliska ayaa toogtay dilayna Richard Matt oo 49 sano jir ah meel ku dhow xadka Maraykanka uu la leeyahay dalka Canada.

David Sweat oo 35 jir ah ayay ciidamada Booliska dalka Maraykanka ay weli ka raadinayaan Koofurta Malone, New York.

Labadan maxbuus ayaa ka baxsatay xabsiga Clinton Correctional Facility oo ah xabsi si weyn loo ilaaliyo 6da June waxaana ay sababtay in boqolaal Boolis ah ay habeen iyo maalin baadigoobayeen.

Labo ka mid ah shaqaalaha xabsiga ayaa loo haystaa inay gacan ka geysatay sidii ay maxaabisitan u baxsan lahaayeen.

Richard Matt oo ah maxbuuska baxsadka ahaa ee la dilay ayaa hore loogu xukumay 25 sano oo xabsi kadib markii lagu helay dambi ah dil, sidoo kale maxbuuska weli baxsaday ee la raadinayo Sweat ayaa ku xukunaa xabsi daa’in.

North America duhur media

Muktar Katiitow

COMMENTS