October 9, 2017 | Posted by admin

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ugu baaqay Madaxda Sare ee Galmudug in ay wadahadal ku dhameeyaan Khilaafka ka dhex taagan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo Nabadgalyadda degaanada maamulka Galmudug,islamarkaana ay heshiiyaan Madaxda Sare.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulada dalka ka jira.

Micheal Keating ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya awooda ay heysataa ay tahay maamul goboleedyadda.

Khilaaf xooggan ayaa wali ka dhex taagan maamulada dalka ka jira qaarkood iyo dowladda Soomaaliya, mana jirto wax War ah oo dowladda Soomaaliya ay wali kasoo saartay Khilaafka Madaxda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay faragelin qaawan ku sameysay maamulka Galmudug.

COMMENTS