July 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Meydka nin la gowracay oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadka deegaanka ee laga yaqaanay degmada Ceelbuur ayaa saaka lagu arkay meel banaan ah, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay in Al-Shabaab ka dambeeyeen.

Sida ay sheegayaan wararka ninkan ayaa ka mid ahaa macalimiinta malcamadaha ku yaal degmada Ceelbuur, waxaana saaka dadka deegaanka ku soo tooseen qoortiisa iyo qaarki kale ee jirkiisa oo is garab taala.

Saraakiisha Ahlusuna ayaa ku eedeeyay in dilkaas ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, iyagoo xusay inay jiraan dad fara badan oo ay xir xireen markii ay dib ugu soo laabteen Ceelbuur, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Ahlusuna.

Ninkan la gowracay ayaa noqonaya qofkii saddexaad oo lagu arko degmada Ceelbuur, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dhamaadkii bishii la soo dhaafay ay Ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusuna isaga baxeen degmadaas, Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay.

COMMENTS