December 14, 2011 | Posted by admin

Tan iyo markii ay soo shaac  Bexeen Qolyahani ka been sheegaya Diinta islaamka horaantii sagaashameeyadii ayaa waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu waayay halyeeyo, Aqoonyahano,culumaa’udiin Saraakiil,dhaqaatiir iyo Salaadiin kuwaasi oo ay u arkeen in ay caqabad ku yihiin ama ay ka hor imaan karaan fikirka qaldan ee ay wataan.

Biloowgii olalahooda ciribtireed ayaa waxaa ay dilal kula bartilmaameedsadeen Saraakiishii ciidamada Qalabka siday oo ay u akreen unuga kaliya ee aysan ka hir galin karin fikirooda waxaana ay si gaadmo ah  ku dileen in ka badan 22-sarkaal iyo in ka sii badan oo isugu jira Dhaqaatiir,samafalayaal iyo nabadoono farabadan iyo cid waliba oo ka hor timid fikirka qaladan ee ay wataan.

Waa kuwan saraakiishii ay dileen iyo taariikhda ay dileen

1) Colonel Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Deegaanka Lafoole, Gobalka Shabeelada Hoose. April 2003.(Waxaa dilay Al-Shabaab)

3) Captain Mohamed Adan, Dagmada Xamarweyne, Gobalka Banaadir, April 2003.(Waxaa dilay Al-Shabaab)

4) Colonel Mohamed Ismail “Gure”  Muqdisho 14,March 2004.(Waxaa dilay Al-Shabaab)

5) Police Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howl-wadaag, Gobolka Banaadir, Augoust 14, 2004 (Waxaa dilay Al-Shabaab)

6) General Mohamed Abdi Mohamed, degmada Shibis  Gobalka Banaadir September 11, 2004.(Waxaa dilay Al-Shabaab)

7) Colonel Ahmed Ugaas “Foodey” Gobalka Banaadir,Octebor 2004. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

8)Colonel Mohamud Abdinur Adan “Bataar”, Degmada Howl-wadaag Gobalka Banaadir, October 26, 2004. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

9) Police General Yusuf Ahmed Sarinle, degmada, Howl-wadaag Gobalka Banaadir,January 23, 2005. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

10)   Colonel Hersi Mohamud Omar ”Hersi Dhoore”, degmada Yaaqshiid Gobalka Banaadir, January 31, 2005. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

11)    Police Officer Abdullahi Kahiye Ali, Afisyoone,Magaalada Gobalka Banaadir, March 07, 2005. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

12)   Police Colonel Mohamed Said Mohamed, degmada Yaqshiid Gobalka Banaadir, may 21, 2005. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

13)    Police Colonel Mohamed Osman Coon, Three Biano Gobalka Banaadir, July 31, 2005. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

14)   Gaashaanle Sare Mohamed Mohamud Raage (Raage Coon), waxaa dilkiisa gaystey laba nin oo ku hubaysnaa bastoolado kana tirsanaa AL-Shabaab ,Xaafada Tubaweyne Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, October 7, 2005.

15)   Colonel Mohamed Hassan Mohamud “cadaawe” BL lagala dagey Wadada Tarabuunka Gobalka Banaadir, January 21, 2006. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

16)   Marine Colonel Abuukar Mohamed Hussien (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley Gobalka Banaadir, March 16, 2006. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

17)   Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka gobalka Banaadir General Ahmed Jilicow Caddow isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho, October 5, 2007. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

18)   Gaashaanle Ali Aadan Diiriye, degmada Xarfo ee Gobolka Mudug June 7, 2010. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

19)   Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii nabadsugidda qaranka Somalia Gaashaale Sare Mohamed Mohamud Sheekh, degmada Huriwaa Gobalka Banaadir, May 30, 2007. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

20)   Gaashaanle Sare Farah Abdulle Siyaad (Garam-Garam), Taliyihii hogaanka tababarada ciidamada DFKMG, meel ku dhow Isgoyska Bakaaraha magaalada Muqdisho December 31, 2007. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

21)   General Abdi Kahiye (Harag Shabeel), Degmadda Xamar jajab, Gobalka Banaadir, February 25, 2008. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

22)  Aadan Calasoow (Aadan Amxaar) masjidka iimaan  degmada Waabari Gobalka Banadir,October 16, 2009. .(Waxaa dilay Al-Shabaab)

Hadaba Aqristoow Soow dhabar jab xoogan kuma ahan Umadda Soomaaliyeed iyo Dalka in tiro intaasi la eg oo wax u soo bartaya dalka iyo dadka in lagu dilo si xaqdaro ah iyadoo lagu ganbanayo magac diimeed isla markaana waxa fuliyay hagardaamadasi ay yihiin dhalinyaro la caqli xaday laguna shubay in jihaad ay yihiin howlaha ay wadaan janana ay ku galayaan.

Intaasi kuma eka wax galka ay kooxadani shabaab nusqaamisay ee ay dileen waxaana dilalaka ay fulinayeen ay ahaayeen shaqsiyaad udub dhexaad u ahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed hadaba imisa dhaqtar ayeey dileen kooxadani oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Dhaqaatiir Caafimaad (Medical Doctors)

1) Dr Maxammed Warsame Cali cudurada haweenka (gynecology)  laga af-duubtey cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ka dib meydkiisa la heley November 11, 1992.

2) Dr Mohammed Musa Sugule MSF Doctor, Kismaayo, Jubadda Hose, December 8, 1992,.

3) Valerie Place Nurse, kalkaaliso 23 jir ah inta u dhaxeysa Afogey,Gobalka Shabeelada Hoose iyo Muqidishu Gobalka Banaadir, February 20, 1993.

4) Graziella Fumagalli  madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB ee Marka, Shabelada Hoose,October 22, 1995.

5) Dr Ricardo Marques MSF- Portugal, Magaalada Beydhaba, Bay June 20, 1997.

6 )Dr Ayuub Sheekh Yarow caruurta (pediatrician doctor)  degmada Balcad, Shabelada Dhexe, Septmebar 15, 1999.

7) Dr Daahir Sheekh Axmed Raajooyinka (radiology) Mount Sinai, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, April 28, 2001.

8) Dr. Xuseen Muhammad Nur Indhaha (Optical Doctor), la dhashey, MP Shaatigaduud,Iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir,july 4, 2003.

9) Dr Annalena Tonelli dhaqtar cudurada Tuberculosis TB-da, magaalada Boorama, Gobalka Awdal October 7, 2003.

10) Dr Cabdi Maxamed Aadan, Magaalada Kismaayo, Gobolka Jubadda Hoose, October 23, 2005.

11) Dr Maxamed Muuse Cali, International Medical Corps IMC, Degmada Ceelberde,  Goboalka Bakool, June 27, 2007.

12)Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, October 11, 2007.

13) Dr Victor Okumu, Qaliinka haweenka dhalaya  (Obstetrics surgeon) (Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland), Magaalada Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.

14) Dr Cumar Max’ed Shiikh Abuukar Indhaha, (Optical Doctor)  isgooyska Debka axad,Muqdisho, Gobalka Banaadir March 23, 2008.

15)Dr Iid Shire Samatar (Surcad), Hotel Dalmar ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, March 25, 2008.

Aqristoow  dilalka sidan oo kale ah sow uma muuqato in shacabka dhan waliba halaga aafeeyo oo ha la waayo cid difaacda,daaweysa diinta barta bal hadana ila xasuusta imsisa Culumaa’udiin ayeey dileen tan iyo markii ay soo if bexeen kooxdani Shabaab.

Mullahs (culumaa’udiin)

1) Sheekh Axmed Muumin Haaruun khadiibkii Masjika abuu Hureyra, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 29, 2005.

2) Shiikh cali mu’adinkii masjidka xareed, March 05, 2007.

3) Sheekh Maxamed Sheekh Axmed oo la yaqaan “Kashka”  deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir,Talaado, March 11, 2008.

4) Macalin Dugsi Qur’aan  Macalin Yusuf , Garoowe, Gobalka Nugaal January 5, 2010

5) DR Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa kooxo hubeysani waxaa ay ku dileen masjid ku yaala magaalada boosaaso xili uu ka soo baxayay Saladii Subax 5-tii bishan 12 ee 2011 oo ah Wadaadkii ugu danbeeyay ee ay dilaan kooxadani isla markaana u muuqada in uu biloow u yahay dilalka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida cad u radiyay ama uga hor yimid fikirka Qaladan ee diinta islaamka looga Been sheegayo.

Sidoo kale Kooxdani waxaa ay dileen oo ay indha shacabka tireen dad wax gal u ahaa oo horumar iyo samafal la doonayay shacabkani ay diloodeen abaaraha iyo dagaalada dheeraaday tan iyo markii meesha uu ka baxay taliskii kacaanka oo aanan helin wax horumar ah.

Peace worker ( nabad doon &sama fale)

1)Aabihii nabadda Maxamuud Cali Axmed (Elman), Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 9, 1996.

4) Project Manager GTZ’s; Florence Cheriuyot, April 19, 2004.

5) Cabdulqaadir Yahye Ali Cibaar,  Ololeeye nabada madaxna ka ahaa ururka Center for Research and Dialoge CRD, Gurigiisa oo ku yaala X/ Bula Hubey, Magaalada Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 11, 2005 .

6) U.N Worker; Mohamed Musse Guraage Kismayo, Gobalka Jubada Hoose, October 05, 2005.

7) High assistance kalkaaliye sare Cabdi Kheyr kismayo, Gobalka Jubadda Hoose novermber 05, 2005.

8) C/qaadir Ciise Farayare, Deegaanka Lugoshow, Degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe April     11, 2006.

9) Madaxa hay’adda horumarinta iyo nabada ee Kasimayo Ciise Cabdi Ciise Muqdisho, Gobalka Banaadir, March 14, 2007.

11) Eng. Max’ed Xasan Kulmiye: Kulmiye oo ahaa madaxa ururka CRD waxa lagu diley Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, June 22, 2008.

12) Madaxa UNDP ee Somalia, head of the Unite Nation Development Programme in Somalia, Osman Ali Ahmed, Salaada Cisho ka dib, X/ Buula Xuubey, Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 10, 2008.

13) Madaxii tababarada ee hay’adda CARE International, Cumar Shariif degmada Marko ee xarunta Sh/Hoose, April 19, 2009.
14) Maxamed Maxamuud Qeyre Gudoomiye ku Xigeenkii hay’ada Daryeel Bulshada Guud (DBG), Muqdisho, Gobalka Banaadir, July 13, 2008.

15) Maxamed Mayow Maxamed, Maamulaha Ganacsiga, (Trade Manager) of HIJRA Somalia, Afgoye, Sh/Hoose, April 28, 2010.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto oo ay isas sii tarayaan dilalka ay u geysanayeen dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed ee ahaa Birimageeydada ayaa waxaa afka kala taagay oo qoraal iyo afba shaaciyay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaniibta ee ku sugnaa wadanka Soomaaliya,hadaba kooxada Al shabaab oo u adkeysan weysay run sheega Saxafiyiinta ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dilaan hadba saxafigii sheega falka guracan ee ay ku kacayaan kooxdani iyagoo u adeegsaday kuwo kale oo sheeganaya in ay yihiin saxafiyiin Soomaaliyeed balse aan hayeb la wadaagin bahda Saxaafada Soomaaliyeed bal imisa ayeey saxafiyiin Soomaaliyeed Dileen Qarax  iyo si bareer ah intaba

Journalist’s (saxafiyiin)

1) BBC Correspondence: Kate Peyton, Hotel Sahafi hortiisa, Muqdisho, Gobalka Banaadir, February 9, 2005.

2) British Correspondence: Martin Adler, Tarabuunka Hortiisa,Muqdisho,Gobalka Banaadir, June 23, 2006.

3) Idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Gaalkacyo, Gobalka Mudug, Max’ed C/llaahi Khaliif ,5 May, 2007.

4) Idaacadda Jowhar, Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad, Gobalka Shabelada Dhexex, 16 May, 2007.

5) Agaasimihii Capital Voice iyo aasaasayaashii kana mid ahaa milkiilayaashii Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik  Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharmarke, Muqdisho, Gobalka Banaadir,  August 11, 2007.

6) Idaacadda Banaadir C/qaadir Mahad Macalim (Kaskey), Gobalka banaadir, August 24, 2007.

7) Ku simaha Agaasimaha Idaacadda Shabelle, Bashiir Nuur Geeddi,Muqdisho, October 19, 2007.

8) Maxamed Muxiyaddiin Cali qarax miino lala beegsaday xili uu ka soo baxay hoyga uu ka deganaa Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho,  Gobalka Banaadir,December 29, 2007.

9)Afhayeenka Maamulka Gobolka Banadir, Cabaas Maxamad Nuur “Galayr -Dilki M Muxidiin cali bil ka dib-  Degmada Xamarweyne Gobalka Banaadir, Februray 1, 2008.

10)Wariye madax banana Xasan Kaafi Xareed Kismaayo, Isniin,(Qarax Gaari shaqaale MSF-Holland uu la socdey), Gobalka Jubada Hoose, January 28, 2008.

11) Wariyahii BBC-da iyo wakaalada Reuters, Nasteex Daahir Faarax Kismaayo, Gobalka Jubada Hoose, June 7, 2008.

12) Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Tahliil Axmed, Suuqa Bakaaro, Muqdishu, Gobalka banaadir February 4, 2008.

13) Agaasimihii Idaacada Shabelle Muqtaar Max’ed Hiraabe Gudaha Suuqa Bakaaraha 7 jun 2008

Xasan Subeyr Fantastic,  Filim Qaade u ahaa Taleefishinka Al-Arabia, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

14)  Maxamed Amiin Aadan Cabdulle, oo ka tirsanaa  idaacadda Shabeelle, shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

15) Wariye kale oo lagu magacaabo Yaasir oo isagana ahaa Sawir qaade, , shamaw Hotel, Muqdishu, Gobalka banaadir December 3, 2009.

16) Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Radio Muqdisho, Sh. Nuur Max’ed Abkey, (Magafe), Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, Gobalka banaadir, April 4, 2010.

17 Idaacada Daljir, C/laahi Cumar Geeddi, xaafada Garsoor ,Galkacyo, Gobalka Mudug Arbaco, September 1, 2010 (Dilkaas waxaa loo adeegsaday Mindiyo ama Tooreey).

Qaraxyo aan loo aabo yeelin oo lala eegtay howlwadeeno Iskaa wax u qabso dalka ugu adeegayay Nabadoono siyaasiyiin iyo xildhibaano wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya waxaana dilalkooda ay noqdeen kuwo faraha ka baxay hadaba imisa ayeey qaraxyo ku dileen kooxdani dhiiga shacabka Soomaaliyeed quudka ka dhigatay.

1) Miino lagu qariyey qashin dhexdiis ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 24 haween oo ku shaqeysan jirey xoog cuno ku badalasho, -Food fo Work- Gobalka Banaadir,  Augoust 3, 2008.

2)  Maxamed Cismaan Maye, oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa lagu diley magaalada Baydhabo isagoo ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Cishaha, September 8, 2008.

3) Qaraxyo is daba joog oo ka dhacey Hargeysa iyo Boosaaso: October 29, 2008 waxa qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa Gobolka Waqooyi galbeed iyo Boosaaso Gobalka Bari oo ku geeriyooday ugu yaraan 30 qof oo rayid ah.

4) Cabdiraxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ka mid ahaa madaxdii isbaheysiga dooxada Juba oo ay ku toogteen maamulka Islamiga Kismaayo January 30, 2009.

5) Afhayeenkii shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed C/raxmaan Max’uud Jimcaale (Shifti), March 30, 2009.

Qaraxyada is miidaaminta ah imisey ku dileen.

Hotelka Madiina,Baladweyne June 18, 2009 waxa baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa lala beegsadeyhotel Madiina ee  ku yaal magaalada Beledweyne Gobalka Hiiraan waxa halkaasi ku dhintay 80 qof oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga qaranka Cornel Cumar Xaashi Aaden. Wasiirka waxa dadkii la geeriyooday ka mid ahaa,

. Safiir Cabdikariin Faarax Laqanyo
· G/ le sare Maxamed Barre Fiidow
· G/ le sare. Maxamed Cabdi Yarow (shanle)
· G/ le sare Cumar Xassan Dhudi
· Colonel/ Yuusuf Xusseen (Timocade)
· Abwaan/ Maxamed Cabdi Cibaar
· Abwaan/ Cabdidhuux Guure Cali
· Ganacsade/ Buule Xaashi Aaden (Waziirka walaalkiis)
· Eng/Cabdifitaax Cali Xaydar

. Nabadoon/ Faarax Cabdulle Fiidow
· Nabadoon/ Xassan Biriqow
· Nabadoon/ Xassan Cilmi Hurre
· Nabadoon/ Axmed Carabey
· Nabadoon/ Cilmi Shire

Hotel Shaamo Muqdisho  December 3, 2009 Qarax aad u baaxad weyn ayaa lala beegsadey xaflad qalin jebin oo ka dhaceysay Hotel Shamo waxana halkaa ku geeriyooday 24 qof oo ay ka mid ahaayeen 3 wasiir oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. Dadka ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamo oo u badnaa arday ka baxday jaamacada Banaadir waxa ka mid ahaa.
Wasiirkii Tacliinta Sare:

Prof Ibraahin Xassan Cadow
Wasiirkii Caafimaadka:

Drs Qamar Aaden Cali
Wasiirkii Waxbarashada:

Dr Axmed Cabdullaahi Waayeel

Wasiirkii Isboortiga : Saleebaan Colaad Roble oo ku geeriyoodey Sacuudiga KSA
Dr. Maxamed Warsame Shahiid

Dr. Max’ed C/qadir Max’ed

Dr. Muxyadin Aweys Axmed

Dr. Maxamed C/lahi Cali (Dayax)

Eng. Jamaal Luqmaan Ismaciil

Dr. Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele)

Abubakar Ibrahim Xasan (Waalid)

Abubakar Xuseen Faarax     (Qoorey) (Waalid)

Xuseen Macalin Xasan.

0/11/2011 Qarax miino oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa waxaa  degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir lagula eegtay haween ka shaqeynayay howlaha nafaada wadooyinka Muqdisho.

Sidaan horay aqrsitayaal u soo xusay kooxadani waxaa ay dilalka la eeganayeen qof waliba oo ay u arkaan in uu ka hor imaan karo fikirooda qaldan ee diinta gabaadka ay uga dhigteen iyadoo sidaasi ay jirto ayaa waxaa ka hor yimid Canshuuro baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ku dareen liiska Qaraxyada iyo dilalka ay dadka kula dheelman jireen subax waliba, hadaba imisa ganacsato ayeey dileen kooxdani.

Business man ( ganacsade)

1)Ganacsade Cabduqaadir Aweys Sheekhuna (Nuuraani)
oo ahaa  Magaalada Baraawe,Gaobolka Shabeelada Hoose, October 8, 2005.

2) Ganacsade Cabdi Axmed Nuur (Cabdi yare) Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, October 11, 2005.

3) Afhayeenka midowga ganacsatada Gobolka Banaadir  Cabaas Maxamed Ducaale, Muqdishu, 5 Feb 2009.

4) Ganacsade Cumar Nuur Baashara,degmada xamar Weyne, Gobalka Banaadir, July 21,2008.

5) Ganacsade Cabdikariin sh Ibraahim Jeegaweyne, koox dabley ahi toogasho ku dileen salaada casir kadib,Dagmada Hodon ee Gobolka Banaadir February 7,2008.

Salaadiin/Malaaq/Wabar/Nabad doon/ Ugaas/Duub iyo Tun weyne.

1) Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow, koox hubeysani ku dishay bartamaha Magaalada Beledweyne, Gobalka Hiiraan, October 8, 2008.

2) Nabad doon xaaji Colow, Degmada Dharkeenleey,Muqdisho, February 12 ,2010

3) Gudoomiyaha Golaha Samadoonada Soomaaliyeed, Nabadoon Sh Maxamed Tahliil Warsame, Ceelasha, Gobalka Shabellada Hoose, Agoust 15, 2010.

4) Suldaan Ciise Xasan Cumar,xili uu soo tukaday Salaadi Cishe, Boosaaso, November 12, 2010.

4)  Nabadoon Macalin Haaruun, Dagmada Yaakhshiid, Gobalka Banaadir, Agoust 18,  2008.

Hadaba Aqristoow soow dhabar jab iyo caloolyoow ma ahan in intaasi wax gal ee Shacabka Soomaaliyeed iyo dalkaba wax u tari lahaa si xaqdaro ah ay u dilaan kooxadani diin ka been sheega ah isla markaan ay weli la soo mutaxan yihiin dilalka iyo hagardaamada ay la damacsan yihiin dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay maalin waliba dhigayaan Miinooyin xaafadaha iyo wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho mar hadii guud ahaan magaalada si xoog ah looga saaray.

Bal eeg sida ugu danbeyn shirkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay ku yeesheen kooxdani cidi ku dirirka ah ugu go’aamiyeen laynta Culimada Soomaaliyeed oo ay u arkayeen in ay yihiin Awooda kaliya ee Shacabka ka dhaadhicin karta in wax ay wadaan aysan sala ku laheyn diinta Islaamka.

Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee Shabaab hadana ah Horjooge ka tirsan kooxdaasi oo shirkaasi hadalo u muuqaday hanjabaado loo jeedinayo  culimada Soomaaliyed ka jeediyay ayaa waxaa uu yiri.

“Waxaa la arkay Culimo dheheysa Uganda waajib  ma ahan in xabad lagu rido,hadii aad buuxin weysaan booskiina ragg baa idin buuxinaya,dowrka Umadda waa inaad buuxsaan Shabaab cidii Masuuliyad heysa baabuurta ayeey la saran tahay darawalna waa ka tahay hadhow hadii gidaar uu dardaro ama uu gadoomo  ee hogaamiya. Ayuu yiri Abuu Mansuur oo ahaa afhayeenkii hore ee Al shabaab shirkii Baydhabo.

Hadaba soow uma muuqato in lagu baneeysanayo dhiiga Culimada Soomaaliyeed oo ah tiirka kaliya ee ka haray dadkii wax galka u ahaa Shacabka.

Markii uu kulankaasi  dhamaaday hadalo hanjabaado ahna ay ka soo baxeen lana dilay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa hadalo kul kul ay ka soo yeereen Culimada Soomaaliyeed  Gudoomiyaha Dalada Culimada Soomaaliyeed Dr Shiikh Bashiir Axmed Salaad  ayaa yiri “Ujeedad shirka Baydhab waxaa uu ahaa in lagu laayo Culimada Soomaaliyeed waana shirqool cusub “

Shiikh Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed isla markaana shirka Baydhabo ka jawaabayay ayaa waxaa uu isagoo ka hadlaya Masjid ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka kenya  ayaa yiri

“Kelmad laga jeediyay anigu uma Jawaabayo,lkn waxaa Muuqata in lagu go’aamiyay Daadinta Dhiiga Culimada Soomaaliyeed”

Guntii iyo gabagabadii aan u soo dhaco dulacda Maqaalkani dheer  aaway dadkii ay waxgalkani wax u soo barteen oo sida xoolo mooro ku jira marba qof la iska dilayo miyeeysan habooneeyn in si saf ah looga soo wada hor jeesto oo guud ahaan dunida laga cirib tiro iyaga iyo kuwa aaminsan afkaarda qaldan.

Shacabka Maxaa la gudboon:

Shacabka Soomaaliyeed oo la wada ogyahay in ay yihiin awooda qaranimada Soomaaliyeed isla markaana ku hoos jira dhibaato tii ugu xumeey ee ay abid soo maran ayaa waxaa la gudboon in ay meel uga wadasoo jeestaan isla markaana si hufan ay ula shaqeeyaan ciidamada Amaanka ee har iyo habeen u taagan badbaadinta shacabka isla markaana ay  u tilmaamaan shaqsi waliba oo kooxdaasi ka tirsan ee ku dhaqaaqaya wax waliba oo wax u dhimaya ammaanka dalka iyo meelaha ay ku dhuumanayaa maadaama ay iyagu yihiin cida ugu horeeysa ee ay ku dheceeyso dharbaaxada cadawga.

Ciidamada waxaa looga fadhiyaa:

In talaabo deg deg ah ay ka qaadaan cid waliba oo shacabka ay u soo gudbiyaan si looga fogaado dhiig danbe oo ku daata dhulka Soomaaliyeed isla markaana ay u dhabar adeegan sifeeynta haraadiga Haray  “ Kani Galbay Ku kale mooyee”

FG : Magacyada Madaxda iyo dadka xaqdarada lagu dilay waxaa ka soo xigtay shabakado Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah iyo kuweliba ururada u dooda xuquuqul aadanaha ,waxaana ka cudur daaranayaa hadii Taariikhda iyo Magacyada aan qalday waloow aan inta badan asiibay

Wabillaahi towfiiq

Max’ed Ibraahim Raage

Kampala Uganda

COMMENTS