June 18, 2012 | Posted by admin

Shabakadda SomaliSwiss ayaa heshay Dukumiintiyo muhiim ah oo  sharaxaado hoose ka bixinaya, sida lagu helay iyo dowladaha bixiyay Malaayiin Doollar oo ay umadda Soomaaliyeed ka lunsadeen madax ka tirsan dowladda KMG ah, sanadihii 2009-2010, kuwaas oo lahaayo magacyadooda iyo hantida uu mid kasta dhacay iyo sida loo qaatay intaba, kuwaas oo hadana doonaya in ay xilka sii hayaan.

HOOS KA AKHRI ORIGINAL Documents

Dukumiintigaan oo ka kooban 80 Bog, isla markaana ku qoran luqadda Englishka, wuxuu si qota dheer u sharaxayaa, isagoo cadaymihiisa wata dhaqaalihii soo galay dowladda Soomaaliya sanadihii 2009-2010,  meelaha laga helay, meelaha lagu bixiyay iyo sida loo xaday lacago maqan iyo weliba kuwa ka masuulka ahaa. BOOQO CINWAANADA HOOS KU TIXAN DUKUMIINTIYADA KU XIRAN.

  1. Hay’adda warbixintaan soo saartay iyo shaqada ay u xilsaarantahay.

  2. Macnaha ay u taagan yihiin xarfo ama erayo la soo gaabiyey oo ku badan warbixintaan.

  3. Hordhac.

  4. Qiimeyn kooban Xukuumaddii Dr.Farmaajo, Dhaqaalaha soo galay iyo midka ay isticmaaleen

  5. Qiimeyn kooban, Xukuumadda Dr Gaas, Dhaqaalaha soo galay iyo midka ay isticmaaleen.

  6. Cadadka Lacagaha soo xarooda ee miisaaniyadda dowladda ku jira lagu xisaabtamo sanadkiiba haddii aan musuq maasuq lagu samayn.

  7. Lacagaha dowladdu Gudaha dalka ka heshay  2009-2010.

  8. Lacagaha dowladdu Dibadda ka heshay 2009-2010.

  9. Liiska Magacyada, Madaxda Maafiyada ah ee dhacday Qaranka Soomaaliya.

  10. Liiska dowladaha lahubo ee lacago kaash ah ugu deeqay Soomaaliya 2009-10.

  11. Madaxda Soomaalidu, sidii ay u kala badsadeen iyo meelaha ay ka qaateen lacagaha ay lunsadeen.

  12. Magacyada, Hay’ado, shirkado iyo ururo ay shakhsiyaad xil qaran hayay lacago uga qaateen magaca dowladda iyo maamuuska wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin.

  13. 57 Pages Original Document (PFMU Report All)

  14. 22 Pages  Original Document (TFG Budget Summary)

  15. 18 Pages Original Document (World Bank report)

COMMENTS