July 20, 2014 | Posted by admin

Meydadka saddex qof oo Soomaali ah ayaa laga helay  city mortuary oo ah goob lagu keydiyo meydadka oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

oo ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Labada qof oo kale ayaan weli la aqoonsan, kuwaas oo meydkoodu yaallo isla goobta kaydinta meydadka ee Nairobi.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii, Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in saddexda ninba lagu dilay ceeji, kaddib markii laga dhacay hanti u taallay bankiyo ku yaalla magaalada.

Xildhibaanka ayaa arrinta ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna ka codsaday dowladda Kenya in ay samayso baaritaan deg-deg ah oo lagu aqoonsanayo cidda ka dambeysey dilka saddexda qof, si loo maxkamadeeyo.

COMMENTS