March 4, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Maydadka saddex dhallinyaro ah oo la gowracay ayaa saakay lagu arkay deegaanka Maxamed-Siciid ee gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay wiilasha la gowracay aysan wax lug ah ku lahayn dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, ayna layaab ku noqotay sababta keentay in la gowraco.

“Wiilashu waxay ahaayeen dadka deegaanka lamana oga sababta keentay in la gorwaco,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka Maxamed-Siciid oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

Ma ahan markii ugu horreysay oo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe lagu arko maydadka dhallinyaro la gowracay, kuwasaoo lasoo dhigay hareeraha waddooyinka gobolkaas.

Xarakada Al-shabaab oo ka talisa gobolka Shabeelada dhexe oo dhan ayaan ka hadlin dhallinyaradan gowracan, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay dilkan ku eedeynayaan inay mas’uul ka tahay Al-shabaab.

Dadka deegaanka maydadka lagu arkay ku nool ayaa waxaa soo wajahday cabsi weyn, iyadoo lagu soo beegay maydadkan la gowracay xilli ay DKMG ah iyo AMISOM la wareegeen gacan ku haynta guud ee Muqdisho.

COMMENTS