December 13, 2012 | Posted by admin

-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf oo maanta kahadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay inkabadan 90 howl-wadeen oo isugu jira garsoorayaal, Xer Ilaaliyayaal, kaaliyaal iyo gaarsiiyayaal ka howl-galaya garsoorka dalka ayaa ka codsaday ciidamada caalamiga ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya in maxaabiista burcadbadeeda ah ee laqabto lagu soo wareejiyo dowladda Soomaliya si loola xisaabtamo dacwadoodana loogu qaado gudaha dalka.

Mudane Caydiid Ilkaxanaf ayaa xusay in maamulada Soomaaliland iyo Puntland laga bilaabay in kooxaha burcad badeeda ee laga qabto xeebahooda lagu soo wareejiyo.

Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya C/laahi Abyan Nuur iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda C/laahi Abyan Nuur oo sheegay in mudo hal sano ah uu socday aqoon kororsigan, islamarkaana hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta garsoorka wadankeena si ay Bulshada uga kaafiyaan adeega Cadaaladda.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay hay’adda horumarinta Mashaariicda ee UNDP kaalinta ay ka geysatay tababarkan iyo jaamacadda Muqdisho oo Wasaaadda Garsoorka Ku Gacan siisay sidii loo kordhin lahaa aqoonta shaqaalaha.

Gebagabadii Munaasabadda Tababarka loogu xirayay qaar ka mid ah Howl wadeenada garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa shahaadooyin ka turjumaya Cilmiga ay kororsadeen la Gudoonsiiyay inkabadan 90 Howlwadeen oo uu mudada sanadka ka badan tababarku usocday.

COMMENTS