January 2, 2013 | Posted by admin

DUHUR--Maxkmad ku taal dalka Ethiopia, ayaa la soo taagay 10-ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar argagaxiso oo ay sanadkan cusub ka fulin rabeen magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Ragga la qabtay waxaa la sheegay inay gaashaanbuur ku leeyihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya sida Uganda, Kenya iyo Ethiopia.

Qaadiga maxkamadda sare ee magaalada Addis-Ababa, Bahiru Darecha, ayaa sheegay in ragga la qabtay lagu helay dambi muujinaya inay maleegayeen weerarro argagaxiso oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Markii hore waxaa la soo eedeeyay 11-ruux laakiin waxaa dambi lagu waayay mid kamidah uu qaadigu sheegay inuusan xiriir la laheyn kooxda laakiin uu iskala noolaa.

Lix kamid ah tobanka ayaa la sheegay inay ku cadaatay eedda argagaxisanimo halka afarta kale baaritaanno lagu sameyn doono si loo xaqiijiyo xiriirkooda Al-shabaab.

Maxkamadeynta raggan ayaa loo dhigay 15-ka bishan January, ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in la soo bandhigo cadeymo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo weerarka argagaxiso.

Dacwada oogayaasha qaarkood ayaa rumeysan in falalkan ay ku lugleeyihiin islaamiyiin ka soo jeedda wadanka Kenya, oo kooxda Al-shabaab ka saacidda qibradaha dagaalka Al-qaacidda.

Ethiopia, ayaa kamid ah wadamada dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab waxaana ciidankeedu ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore iyadoo meelo badan ka qabsatay ururka Al-shabaab.

COMMENTS