September 19, 2017 | Posted by admin

breaking_news-Duhur-ready1

Maxakamada sare ee Magaalada Gaalkacayo ayaa Maanta waxaa Hortegay  shiikh Cabdi wali shiikh Cali Cilmi yare. oo ahaa Shiikh dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshada asigoo af lagaadeeyay Nabigeen Muxumed SCWS.

Shiikha oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu Maanta Hortegay Maxkamada Galkacayo, waxaana la waydiiyay dhowr  su’aal oo ku aadanaa sawir ka dhax-muuqday Muuqaal lagu baahiyay Baraha ay bulshadu isticmaashay.

Waxa uu sheegay in sawirkaas iyo wararka laga baahiyay in aysan is laheen, waxa uuna sheegay in sawirka uu  ka dhaxmuuqdo oo dadku hadal hayeen uu ahaa, shiiqayga oo wax isoo baray laakiin Micna badan loo sameeyay.

” Maxkamada sare ee Gaalkacayo  ayaa dhankeeda sheegtay in wax dacwad ah , ama dimbi ah lagu waayay shiikh oo Qabsaday Baraha Bulshada shiikh maxamed Macalin Cali oo ahaa xaakimkii Maanta dacwadaasi qaaday ayaa dhankiisa u sheegay BBC. waxa uuna sheegay in wax dambi ah lagu waayay shiikhaas, ka dib Markii uu sheegay in uusan ka wedin Nabigeena laakiin uu ka weday Shiikhii soo wax baray.

Si kastaba ha ahaatee , Hadalka ka soo baxay shiikhaan Dacwada Loo haysto iyo Maxkmada Galkacayo ayaa imaanaya xili Dhankoodana Culimada soomaaliyeed ay sheegeen in ninkaasi uu diinta ka baxay.

 

 

COMMENTS